Wararkii ugu dambeeyey khaaaraha dabeylihii maanta ku dhufay xeebaha Jubaland

Kismaayo (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Jubbada Hoose aya sheegaya in saacadihii la soo dhaafay xeebaha gobolkaas ay ku dhufteen dabeylo xoogan  oo sababay khasaare isugu jiro dhimasho & burbur hantiyeed, sida ay shaacisay Jubbaland.

Dadka dhintay ayaa ahaa kalluumeysato, waxana la qalibmay doomihii ay saarnaayeen, halka uu buurbur xoog leh soo gaaray guryo ku agdhowaa xeebta magaalada Kismaayo.

Wasiirka wasaaradda kalluumeysiga iyo kheyraadka badda ee Jubbaland, Mudane Cabaas Cali Ibraahin oo ka warbixiyey khasaaraha ka dhashay dabeylahaasi ayaa sheegay inay qalibmeen 11 doomood, kuwaas oo sababay dhimashada illaa 5 qof oo kalluumeysato ah.

Sidoo kale wasiirka ayaa xusay in dabeyluhu ay burburiyeen guryo ay daganaayeen dad shacab ah oo ku yaalla xaafadda Calaley oo ku taalla dhinaca xeebta ee magaaladaasi.

“Waxaa aad u kacsanaa badda, khasaarooyin lixaad leh ayaa ka dhashay guud ahaan waxaa ku rogmaday 11 doon oo ay bad-baadeen dadkii la socday, keliya waxaa ku dhintay 5-ruux, guryaha ku yaalla Calaley waxaa dumisay dabeysha” ayuu yiri Wasiir Cabaas.

Ugu dambeyn wasiirka kalluumeysiga iyo kheyraadka badda Jubbaland, ayaa ugu baaqay kalluumeysatada iyo dadka degan hareeraha badda inay muujiyaan feejignaan dheeri ah, ayna ka fogaadaan xeebta xilliyada dabeylaha, si loo yareeyo khasaaraha ka dhasha.

Wararka ayaa sidoo kale intaasi kusii daraya in haatan uu  wal-wal xoogan soo wajahay kalluumeysatada oo xilligan wajahaya khatar uga imaaneysa dabeylaha badda.

Si kastaba, sanad marka la gaaro waqtiga Xagaayga oo haatan lagu jiro ayaa waxaa xeebaha Soomaaliya ka billowda dabeylo xoogan oo sababa khasaare kala duwan.