Taalibaan oo cafis u fidisay saraakiisha AFGHANISTAN

Kabul (Caasimada Online) – Kooxda Taalibaan ee sida buuxda ula wareegtay gacan ku heynta Afghanistan ayaa ku dhowaaqday cafis guud oo loo fidiyey mas’uuliyiintii dalkaasi.

Bayaan kasoo baxay hoggaanka Taalibaan ayaa waxaa lagu sheegay in cafis loo fidiyey saraakiishii iyo mas’uuliyiintii la shaqeynayey madaxweynihii cararay ee Ashraf Ghani.

Sidoo kale kooxda ayaa ku boorisay saraakiishaas inay dib ugu laabtaan shaqooyinkooda, iyaga oo qaba kalsooni buuxda, sida lagu sheegay bayaanka.

“Cafis guud ayaa loo fidiyay dhammaan, marka waa inaad dib u bilowdaa nolol maal-meedkaaga si weliba ay kalsooni buuxda ku jirta,” ayey qortay wakaaladda caanka ee wararka AFP, iyada oo sidoo kale oo xiganaysa bayaanka kasoo baxay kooxda Taalibaan.

Go’aankan ka soo baxay Taalibaan oo muddo 20 sano ah dagaal ka waday Afghanistan ayaa dad badan la yaab ku noqday, weliba sida ay u wada shaqeyn karaan mas’uuliyiintii iyo saraakiishii ciidamada dowladda ee ay dagaallamayeen muddadaasi aadka u fog.

Sidoo kale Taalibaan ayaa waxaa lagu xasuustaa inay caan ku aheyd fulinta dilalka ciqaabta ee arxan darradaah, iyada oo horey loogu eedeeyay inay geysatay dambiyo dagaal.

Si kastaba, tan iyo markii Taalibaan gudaha u gashay Kabul waxaa sii kordhayey cabsida dadkii la shaqeeynayey dowladdii dalkaas iyo ciidanka Mareykanka, waxaana jira boqolaal qof oo laga daad gureeyey garoonka diyaaradaha ee Hanid Karzai oo ku yaalla caasimada.