Ma la aamini karaa JANAN, muxuuse damacsan yahay?

Wasiirkii hore ee amniga Maamulka Jubbaland Cabdirashiid Janan oo dhawaan heshiis la galay dowladda federaalka, gaar ahaan garabka Farmaajo ayaa mar kale dib uga gurtay heshiiska, wuxuuna ku biiray mucaaradka ka soo hor jeeda Farmaajo ee ku sugan magaalada Muqdisho.

Sida aan xogta ku helnay Janan ayaa lasoo xiriiray xubno mucaaradka ka tirsan, gaar ahaan hoggaanka xisbiga Wadajir iyo siyaasiyiin kale, wuxuuna sheegay inuu dareemayo cadaadis, cabsi, ku takrifal iyo ballan ka baxyo, isla markaasna uu doonayo inuu kasoo baxo dhanka Farmaajo.

Janan wuxuu daganaa guryo kasoo horjeedo xarunta Nabadsugidda iyo sirdoonka qaranka, sida uu ka sheegay shir jaraa’id oo uu ku qabtay Hotel Jazeera ee magaalada Muqdisho.

Waxaa la sheegay in loo diray gaadiid dagaal oo kasoo bixiyey gurigii uu daganaa, waxaana loosoo wareejiyey qeybta ay magaalada Muqdisho ka dagan yihiin siyaasiyiinta mucaaradka ah, taas oo ah goob aad loo ilaaliyo.

Shir jaraa’id oo magaalada Muqdisho uu ku qabtay ayuu Janan isku dayey inuu uga leex-leexdo xaqiiqada jirta, isagoo ka dhigay in uusan dagaal uga soo wareegin dhanka Farmaajo, laakiin haddii ay nabad jirto isagoo dhinaca Farmaajo jooga ayuu ku dhawaaqi lahaa inuu yahay musharax u taagan xilka kursiga xildhibaan ee beeshiisa.

Hoggaamiyaha xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa la sheegay inuu soo dhaweyn wanaagsan u sameeyey, waxaana la dajiyey xarunta xisbiga Wadajir, halkaas oo deegaan u ah xilligaan la joogo.

Cilaaqaad ay kooxda Farmaajo lasoo sameysay si uu dib ugu laabto halkii uu daganaa oo laba maalin socday ayaa lagu guul-dareystay, sida ay xaqiijiyeen illo muhiim ah.

Muxuu tabanayaa Janan?

Cabdirashiid Janan waxaa lasoo wariyey in ballamihii looga baxay, wuxuu u sheegay dad uu la kulmay in loo ballan-qaaday inuu noqdo Xildhibaan, balse wuxuu ku dooday in ugu dambeyn Farmaajo iyo Fahad Yaasiin ay ballantii uga baxeen.

Waxay kaloo dad aad ugu dhow sheegeen inuu jiray ballan-qaad lacageed markii uu isku soo dhiibay dowladda federaalka, taasna waa looga baxay, sida ay xaqiijineyso xogtaan.

Hadda Cabdirashiid Janan wuxuu Muqdisho kaga dhawaaqay inuu yahay musharax xildhibaan, waxuuna u hanqal-taagayaa kursiga tirsigiisu yahay HOP116, kaas oo afartii sano ee lasoo dhaafay uu ku fadhiyey Xildhibaan Cabdulqaadir Aadan Nuur.

Janan wuxuu u sheegay xubno uu la kulmay inuu ka dalbaday kooxda Farmaajo inuu aado Gobolka Gedo si uu usoo xaliyo xiisado ciidanka dhexdooda ah oo ka jira Gobolka, laakiin garabka Farmaajo oo aad uga shakisan in Janan qorshihiisa bedelo markii uu gobolka Gedo ayaa ka diiday in loo fasaxo safarkaas.

Saraakiil ciidankiisa ka tirsan oo Muqdisho ku sugnaa oo uu Gedo u diray ayaa iygana Muqdisho lagu xiray oo loo diiday inay baxaan.

Janan arrimahaas is biirsaday waxay ku qasbeen inuu usoo ruqaansado dhanka mucaaradka, laakiin wuxuu jeediyey kalmado maldahan oo uu ku fududeysanayo geedigiisa cusub.

Hadda muxuu u baahan yahay Janan?

Cabdirashiid Janan waxaa la sheegay inuu rabo inuu aado Gobolka Gedo oo la fasaxo, waxaa arrintaas la gaarsiiyey Ra’isul wasaare Rooble, maadaama uu isaga sheegay inaan qofna laga celin karin halka uu u socdo oo aan laga hor istaagi karin inuu ka duulo garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.

Hadda way adag tahay in kooxda Farmaajo ay weerarto halka uu dagan yahay Janan oo ay soo qabtaan, arrintaan Xamar waa ka dhammaatay wixii ka dambeeyey dagaalkii 25-kii April, xilligaas oo dib looga saaray magaalada ciidankii xoogga ku soo galay ee Badbaado Qaran.

Ra’isul wasaare Rooble ayaa hadda la sheegay inuu ku maqan yahay xalka safarka Cabdirashiid Janan ee gobolka Gedo, lamana yaqaano sida ay arrintaan ku aqbali karto kooxda Farmaajo .

Ujeedka xisbiga Wadajir ee marti-gelinta Cabdirashiid Janan

Xisbiga Wadajir ee uu hoggaamiye Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame waxaa la sheegay in siyaasad gooni ah aysan ka laheyn marti-gelinta Janan, laakiin uu isagu u arkay cidda uu isku aamini karo, waxay gudanayaan waajibaadka marti-gelinta siyaasadeed.

Kooxda Farmaajo oo culeys badan saareysa kuraasta taalla gobolka Gedo waxay u muuqdaan kuwa aaminsan in Janan uu ka hor imaan doono, haddii uu ku laabto Gobolka, lamana yaqaano sida ay hadda ku hor istaagi karaan socdaalka uu qorsheenayo inuu ku aado gobolka Gedo.

Janan oo kamid noqday musasalka siyaasadeed ee Soomaaliya, waa siyaasi shacab iyo ciidanba ku heysta gobolka Gedo, haddii isaga iyo Farmaajo oo kala aragti ah la guda galo doorashada ka dhaceysa magaalada Garbahaarey, waxay u badan tahay inay halis gali doonto 16-ka kursi ee Farmaajo ku xisaabtamayo ee taalla magaaladaas.

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid