Weerar lagu beegsaday dad shacab ahaa oo ka dhacay HIIRAAN + Khasaaraha

Beledweyne (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar dil iyo dhaawac loogu geystay dad shacab ahaa, kaas oo xalay ka dhacay deegaanka Bacda oo hoostaga degmada Matabaan oo ka torsan gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.

Weerarka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa fuliyey dabley hubeysan, kuwaas oo rasaas ku furay dad rayid ah oo ku sugnaa halkaasi, waxaana soo gaaray dhimasho iyo dhaawac.

Ugu yaraan labo qof ayaa ku dhintay weerarkan, halka ay ku dhaawacmeen afar qof oo kale, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo dadka deegaanka ah.

Labada qof ee geeriyootay ayaa waxaa lagu kala magacaabi jiray, Gallad Xasan Siyaad iyo Raxma Xiirey, kuwaas oo si weyn looga yaqaanay duleedka degmada Matabaan.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in dhacdadan ay daba socoto xiisad salka ku heyso aano Qabiil oo weli ka taagan qeybo ka mid ah gobolka Hiiraan.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay maamulka gobolka iyo dowlad goboleedka HirShabelle oo ku aadan weerarkaasi lagu beegsaday dadka shacabka ah.

Xaaladda ayaa saaka deggan, waxaana deegaanka ay mashaqadu ka dhacday gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo billaabay howl-gallo lagu baadi goobayo kooxihii ka dambeeyey falkaasi oo goobta isaga baxsaday, kadib markii ay fuliyeen weerarkaasi..

Hiiraan oo dhaca bartamaha Soomaaliya ayaa waxaa inta badan kusoo laa laabta dagaal beeleedyada, kuwaas oo uu khasaaraha ugu badan uu kasoo gaaro dadka shacabka ah.