Wararkii ugu dambeeyey ee Afghanistan iyo Mareykanka oo qaaday tallaabo ay Kabul…

Kabul (Caasimada Online) – Millateriga Mareykanka ayaa si deg deg ah u joojiyey daad-gureyntii ciidamada iyo diblumaasiyiintiisa ku sugan caasimada Afghanistan ee Kabul, kadib markii ay kumanaan qof oo rayid ah soo buux dhaafiyeen garoonka diyaaradaha ee caasimadda.

Sida ay ku warameyso wakaalada Reuters, kumanaan qof oo rayid ah oo quus ka taagan inay ka qaxaan Afghanistan ayaa xiligaan hakad geliyay duulimaadyadii daad-gureynta ee ay wadeen millateriga Mareykanka.

Rabshadaha ka dhashay arrintaas, ayaa waxaa lagu soo waramayaa inay ku dhinteen shan qof, kadib markii ay dadka ku soo aruuray garoonka diyaaradaha ay si qasab ah u wada qabsadeen diyaarad kamid ah kuwa millateriga Mareykanka oo xiligaas ku socotay runway-ga ay diyaaradauhu ku ordaan.

Ilaa hadda ma cadda sida ay shanta qof ugu dhinteen gegada diyaaradaha, hase yeeshe Sarkaal Mareykan ah ayaa sheegay in ciidamadu ay cirka u rideen rasaas si ay uga hortagaan dadka isku dayay inay xoog ku galaan diyaarad militari oo diblomaasiyiinta iyo shaqaalaha safaaradda Mareykanka ka saaraysay magaalada. Lama kala oga inay ku dhinteen rasaastas iyo inkale.

Weriye ka tirsan Al-Jazeera oo ku sugan Kabul ayaa soo sheegaya in Taliban ay dadka qulqulaya ka hor istaageyso inay u gudbaan dhanka garoonka diyaaradaha, isla markaana ay ridayaan rasaas digniin ah, si looga fogaado aagga garoonka.

Tan iyo markii ay ciidamada Taliban gudaha u soo galeen caasimada Kabul ayaa waxa Garoonka diyaaradaha maamulayey ciidamada Mareykanka, oo isku dayaya inay si nabdoon magaalada ugala soo baxaan muwaadiniintooda, shaqaalaha diblomaasiyadeed iyo Afgaaniyiinta la shaqeeynayeey intii ay ku suganaayeen dalkaas.

Dagaalyahannada Taliban ee guuleystay ayaa Isniintii maanta roondo ku dhex-maraayey waddooyinka magaalada Kabul, shacabkuna waxay isku buurteen dhanka garoonka, si ay xukunka kooxdaan uga baxsadaan.

Duulimaadyada daad-gureynta ee ay wadeen ciidamada Mareykanka ayaa gebi ahaanba xiligaan istaagtay, waxayna hakad sii ahaan doonaan illaa inta gudaha garoonka laga nadiifinayo dadka usoo gudbay, sida uu sheegay Sarkaal sare oo la hadlay wakaalada Reuters.

Sida uu baahiyey Telefishinka dowladda Turkiga ee TRT waxaa maanta Kabul ka degtay diyaaradda  Turkish Airlines, waxayna halkaas ka qaaday 324 qof oo sigu jira diblomaasiyiintii ka joogtay Afghanistan iyo dad u dhashay dalkaas oo rayid u badan.

Waxaa hore u istaagay duulimaadyadii ganacsiga, waxaana magaalada xiliyada qaar laga maqlayaa rasaas goos goos ah. Shacab badan oo reer Afghanistan ah ayaa ka cararaya dalka, ayaga oo qaarkood ka cabsi qaba xukunka Taliban.

Ra’iisul wasaaraha UK Boris Johnson oo qadka Talefoonka kula xariiray madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa u sheegay inuu damacsan yahay inuu martigeliyo maalmaha soo socda kulan heer sare ah oo hogaamiyaasha G7 ay ka yeeshaan xaaladda Afghanistan.

Sida ay shaacisay wasaaradda arrimaha dibedda Ruushka, Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Ruushka Sergei Lavrov iyo Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Maraykanka Antony Blinken ayaa khadka taleefanka kaga wadahadlay xaaladda Afghanistan waxayna ku heshiiyeen inay sii wadaan wadatashiyada ay xaalada dalkaas kala yeelanayaan Shiinaha, Pakistan iyo Qaramada Midoobey.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa ku baaqay in deg deg dalkaas Afgaanistan loogu dhiso dowlad midaysan oo loo dhanyahay, goluhu wuxuu kaloo ku baaqay in la bilaabo wadaxaajood iyo in laga fogaado gabood fallo bini’aadanimo.

Madaxweynihii Afghanistan Ashraf Ghani ayaa Axadii ka cararay dalkaas, wuxuuna sheegay inuu u baxsaday “si looga hortago dhiig daata,” ayada oo Taliban ay si rasmi ah u galeen madaxtooyada dalka ee ku taalla magaalada caasimadda ah ee Kabul.

Ghani ayaa sheegay inay la noqotay “in muwaadiniin badan ay shahiidi lahaayeen, islamarkaana Kabul la burburin lahaa,” haddii uu sii joogi lahaa.

“Taliban waa ay guuleysteen, waxayna hadda mas’uul ka yihiin sharafta, hantida iyo dhowridda walaalahood,” ayuu Ghani ku yiri bayaan uu soo dhigay faecbook.

“Waxay iminka wajahayaan tijaabo kale oo taariikhi ah. Ama waxay joogteyn doonaan magaca iyo sharafta Afghanistan, ama waxay ahmiyad siin doonaan meelo kale iyo shabakado,” ayuu yiri.

Madaxweyne Ashraf Ghani ma uusan shaacin halka uu u cararay, hase yeeshee warbaahinta ugu weyn Afghanistan ee Tolo ayaa sheegtay inuu aaday dalka Tajikistan.