Xog: Madaxweyne Xaaf oo laalay qorsho cusub oo uu damacsanaa Carabeey

Muqdisho (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf, ayaa la xaqiijiyay inuu ka biyo diiday qorsho uu watay ku-xigeenkiisa Maxamed Xaashi Cabdi (Carabeey).

Xaaf ayaa diiday qorsho ah in la joojiyo magacaabida Golaha Wasiirada maamulka oo ay kasoo muuqan doonaan Wasiiro ka imaan doona ahlusuna, kadib markii Carabeey uu sheegay in xalka Galmudug uu sidaa ku jiro.

Xaaf, oo ka biya diidan qorshaha Carabeey, ayaa sheegay in Galmudug aysan dayici doonin fursada ay ka heshay Ahlusuna, sidaa aawgeed uusan aqbali doonin dalabka ku-xigeenkiisa.

Carabeey, ayaa sheegay in Galmudug ay dib ugu laaban doonto halkii ay kasoo bilaabatay, haddii uu Hoggaamiye Xaaf kusii dhaga adeego inuu ku dhawaaqo Gole Wasiiro oo aan iyaga waxba laga ogeysiin.

Waxa uu Carabeey, lama huraan ka dhigay in mudada uu socdo Khilaafka la hakiyo dhammaan wixii magacaabis ah, hase yeeshee waxaa arrintaasi diiday Xaaf oo isagu u janjeera Ahlusuna.

Xaaf iyo Carabeey, ayaa kala heysta Xildhibaanada baarlamaanka Galmudug kuwaa oo u kala dabqaadaya labada mas’uul.

Xildhibaanada qaar ayaa aad uga soo horjeeda in Xukuumada maamulka ay Wasiiro badan ka hesho Ahlusuna, halka qaarna ay ku doodayaan in la qanciyo Ahlusuna si looga gudbo khilaafyada.

Dowlada Somalia ayaa ku howlan xalinta Khilafka labada dhinac, inkastoo ay arrintu tahay mid cakiran.

Ma cadda sida looga takhluusin doono khilaafka labada dhinac ee waayadaani sii xoogeysanaayay, waxaana aad looga cabsi qabaa in xal loo waayo.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com