26.1 C
Mogadishu
Monday, November 17, 2025

Xog: Madaxweyne Xasan oo la kulmaya mucaaradka kadib cadaadis ka yimid…

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo indhowaanahan la kulmayay cadaadis gudaha iyo dibadda ayaa lasoo warinayaa inuu haatan soo dabcay isaga oo beddalay mowqifkiisa, si wax looga qabto xiisadda taagan.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa haatan aqbalay inuu la fariisto saamileyda siyaasadda oo ay ku jiraan hoggaamiyeyaasha mucaaradka, si looga wada-hadlo khilaafka siyaasadeed ee ka taagan dalka.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in madaxweynuhu cadaadis xooggan uu kala kulmay wakiilada beesha caalamka oo ay ku jiraan Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Urur Goboleedka IGAD iyo waddamada saaxibada la ah Soomaaliya, kuwaas oo ka dalbaday inuu dib u eego mowqifkiisa, si loo qaboojiyo xaaladda kacsan \ee ka dhalatay doorashada.

Ilo wareedyo xilkas ah ayaa innoo sheegay in wakiiladu ay madaxweynaha la wadaageen in aan la aqbali karin hannaan doorasho ama xal siyaasadeed oo aan la isku raacsaneyn, maadaama hadda ay maqan yihiin laba maamul, mucaaradkana ay mar hore diideen qorshaha Villa Soomaaliya ee qof iyo cod.

Sidoo kale, wararka ayaa intaasi kusii daraya inuu dhici doono shir ay isku imaanayaan dhinacyadan oo dhici doono bartamaha bisha soo socoto ee June, si looga wada-hadlo muranka ka taagan hannaanka doorashooyinka dalka iyo wax ka beddalka dastuurka.

Wakiilada beesha caalamka ayaa kor kala socon doono kulankaasi oo natiijada kasoo baxdaaa ay sidoo kale aad u daneynayaan shacabka Soomaaliyeed.

Arrintan ayaa kusoo aadeyso, iyada oo haatan xubnaha mucaaradka ay kusoo qulqulayaan Muqdisho, iyaga oo durbo bilaabay dhaq-dhaqaaq culus oo ka dhan ah dowladda federaalka

Soomaaliya ayaa haatan ku jirto marxalad adag oo siyaasadeed, waxaana la’isku fahmi la’yahay doorashada, iyada oo arrintaas ay sii dheer tahay dagaalka Al-Shabaab ee sii xoogeysanaya, maadaama gobollada Shabeellooyinka ay culeys soo saartay kooxda.

- Advertisement -

Read more

Local News