Xog: XASAN oo u baxaya safar dibadeed + Ujeedka

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta kusii jeeda dalka Jabuuti.

Wararka ayaa sheegaya in madaxweynaha uu ka qayb-galayo xiritaanka Shirka Heritage ee haatan ka socdo caasimadda waddanka Jamhuuriyadda Jabuuti.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa inta uu ku sugan yahay dalkaas kulamo la qaaday dhiggiisa, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle oo ay ka wadahadli doonaan arrimo dhowr ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa horey u tegay dalka Jabuuti, kadib dib u  doorashadiisii, isaga oo wahadallo la yeeshay madaxweynaha waddankaasi.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in madaxweynaha dowladda federaalka uu usii gudbi doono dhanka daklka Mareykanka oo uu ka dhacayo shirka Afrika iyo Mareykanka, kaas looga hadlayo arrimaha ganacsiga iyo kaashiga ka dhaxeeya labada dhinac.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa innoo sheegay in madaxweynaha uu khudbad ka jeedin doono madasha, isaga oo kusoo bandhigi doono fursadaha ka jira Soomaaliya.

Waxaa kale oo uu kulamo doceedyo la yeelan doonaa madaxda iyo hay’adaha kala duwan ee ka soo qaybgalaya shirka Afrika iyo Mareykanka oo ah mid muhiim ah.

Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirto sidii ay wax ula qaybsan laheyd caalamka intiisa kale, waxaase caqabad ku ah Al-Shabaab oo weli halis ku ah amniga guud ee dalka.