XOG: XASAN oo Cadaado u tagaya hal ujeedo

Cadaado (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa la qorsheynayaa in maalinta beri ah uu tago magaalada Cadaado oo ah magaalada la filayo inuu ka furmo shirka maamul u sameynta Mudug iyo Galgaduud.

Caasimada Online ayaa ogaatay in madaxweynaha uu beri u duuli doono magaalada Cadaado si uu usoo furo shirka maamul u sameynta gobolada dhexe oo arbacada ka furmaya magaalada Cadaado.

Ku xigeenka gudiga farsamada maamul u sameynta gobolada dhexe oo la hadlay Caasimada Online, ayaa sheegay in diyaar garowga soo dhaweynta madaxweynaha ay ka socoto magaaladaasi.

Dhanka kale Maxamed Xaashi Carabeey, ayaa sheegay in gudigooda kulamo kala duwan ay la qaateen maamulka Ximan iyo Xeeb, wasiirka arimaha gudaha iyo Odayaal ku sugan magaalada.

Ujeedada kulamadooda ayuu ku sheegay iney tahay sidii looga wada shaqeyn lahaa furitaanka shirka maamul u sameynta gobolada dhexe ee dalka Soomaaliya oo ka dhacaya Cadaado.

Caasimada Online
Xafiiska Galgaduud
Caasimada@live.com