Xog: Magaaladee lagu dooranaa xildhibaanada ugu badan 2016?

Baydhaba (Caasimada Online) – Warar dheeri ah ayaa kasoo baxaya qaabka iyo magaalooyinka lagu dooranayo xildhibaanada cusub ee baarlamanka Soomaaliya ee 2016 oo ka koobnaan doona laba aqal.

Magaalada Baydhaba ayaa la sheegay in lagu dooran doono xildhibaanada ugu badan Baarlamaanka Federaalka cusub ee Soomaaliya 2016.

Shirkii Madasha Qaran ee madaxda dowladda Soomaaliya iyo kuwa maamulada dalka ayaa lagu qeybsaday xildhibanaada magaalo kasta lagu soo dooranayo, iyadoo Baydhaba ay nasiib u heshay in lagu soo doorto 70 xildhibaan oo ka imaanaya beelaha Digil & Mirifle, Dir qaarkeed iyo beesha shanaad xildhibaanadeeda qaar ka mida.

Xildhibaanada labada aqal ee baarlamaanka ayaa lagu soo dooranayaa magaalooyinka waaweyn ee maamulada dalka oo kala ah:

1 – Muqdisho

2 – Baydhaba

3 – Kismaayo

4 – Jowhar

5 – Beledweyne

6 – Cadaado

7 – Garoowe

Cabsida ugu weyn ee jirta ayaa ah in maamulada ka jira magaalooyinkaasi ay saameyn ku yeeshaan xildhibaanada cusub ee la soo xulayo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com