Muqdisho(Caasimada Online) – Iyadoo weli uusan bilaaban kulan la filayay in uu caawa yeesho goloha wasiirada JFS ayaa waxaa arrintan caqabad ku noqday in RW CCC iyo Madaxweynaha JFS Xasan She
ekh Maxamuud aay isku qabsadeen laba safiir oo la filaayay in midna caawa xilka laga qaado midna safiir buuxa loo magacaabo.
RW ay
aa ka biyo diiday xil ka qaadis uu Madaxweynaha Xasan Sheekh uu ku sameeyay safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Jamaal Xasan, oo aay cabasho badan ka soo yeertay dadka Soomaalida ah ee ku nool dalka Kenya haba ugu badnaadeen ganacsato. Ambasador Jamaal ayaa lagu eedeeyay musuqmaasuq iyo qabyaalad uusan la ganban.
Waxaa
sidoo kale RW CCC uu sidoo kale ka biyo diiday in safiir buuxa loo magacaabo Cabdulqaadir Maxamed Cali oo loo yaqaan General Jaamac. oo muddo afar bilood ka hor ah loo dallacsiiyay qunsulka safaaradda Soomaaliya aay ku leedahay dalka Turkiga. Jaamac ayaa hay’adaha danbi baarista gudaha iyo dibaddaba aay ku soo eedeeyeen in uu ahaa shaqsigii fududeeyay dalabka fiisaha ninkii isku qarxiyaya diyaaradda Daalo bishan
febraayo labadeedii.
Shirka golaha wasiirada iyo ku dhawaaqidda magacaabista tobanka safiir ayaa waxaa aay u xayiran tahay arrinta labadan nin.
Wixii soo kordho dib ayaan idiinka soo sheegi doonaa
Caasimada Online
xafiiska Muqdisho
[email protected]

