26.9 C
Mogadishu
Saturday, February 14, 2026

Warar horudhac ah oo kasoo baxaaya 3 mas’uul ee ugu codka badan doorashada dalka Uganda

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar hor dhac ah oo kasoo baxaaya Doorashada ka socta dalka Ugandha, ayaa sheegaya in codadka Doorashada uu ugu horeeyo Madaxweynaha KMG Ugandha Yoweri Museveni.

Codadka labaad ayaa waxaa heysta Hogaamiyaha Xisbiga Mucaaradka Kizze Besigye oo ka daba dhaw codadka uu heysto Museveni.

Yoweri Museveni ayaa la sheegayaa inuu haysto 63% codadkii illaa hadda la tiriyay, halka Besigye oo kusoo xiga uu haysto 33% Codadka, iyadoo Ra’isul wasaarihii hore ee dalka Uganda Amama Mbabazi uu isagana haysto codad ka yar 2% codadka la tiriyay.

Doorashada ka socta Uganda ayaa aad loo dhaliilay iyadoo sida lagu soo waramayo sanduuqyadii waraaqihii lagu codayn lahaa muda 6 saac ku dhaw la xanibay iyadoo lagu soo waramayo in goobaha arintani ay ka dhacday ay ahaayeen goobihii ay ku xooganaayeen taageerayaasha mucaaradka.

Madaxweynaha Uganda Museveni oo xilligaan Codadka la tiriyay kaga Horreeya Asxaabta Mucaaradka in ka badan 50%, Waxaana sidii horayba loogu saadaaliyay uu u muuqdo inuu ku guuleysan doono Doorashada madaxweynimo ee shalay ka dhacday Waddanka Uganda.

Geesta kale, Hogaamiyaha mucaaradka Kizza Besigye oo dhawr jeer ka cawday wax isdaba marin iyo musuqmaasuq ayaa sadax jeer oo kala duwan la xidhay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News