24.8 C
Mogadishu
Sunday, February 8, 2026

QARAX khasaare dhaliyey oo ruxay magaalada…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online)-Qaraxa ayaa waxaa lagu weeraray Ciidamo ka tirsan Dowlada oo ku sugnaa Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Sh/Hoose.

Qaraxa oo loo adeegsaday Bam ayaa waxa uu Ciidamada kasoo gaaray khasaaro kala duwan oo ka dhashay Qaraxa.

Qaraxa ayaa waxaa ku dhintay Laba ruux oo midu yahay Askari ka tirsan Milliteriga Dowlada, kaasi oo xiliga Qaraxa ku sugnaa Goobta uu weerarka ku wajahnaa oo aheyd xarun ciidan oo ku taalla bartamaha Degmada Marka oo qiyaas ahaan 110Km dhanka Koonfur Galbeed uga beegan Magaalada Muqdisho.

Qaraxa kadib ayaa waxaa goobta buux dhaafiyay Ciidamada Dowladda oo halkaasi ku furay rasaas xoogan oo dadka lagu kala eryinaayay taasi oo iyana ka dhalatay khasaaro, inkastoo aan weli la cayimin.

Maamulka Degmada wali kama uusan hadal Qaraxa dhimashada iyo dhaawaca geystay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News