Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa caawa fashil uu ku yimaaday magacaabista Safiirada cusub iyo xil ka qaadista kuwa hadda shaqeeya kadib markii madaxweyne Xasan Sheekh uu caqabad ku noqday liiska magacyadaasi ay ku qornaayen.
Fashilka ayaa ka dhashay muran dhexmaray Madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha kaasi oo salka ku haya u kala eexasho dhanka Safiirada cusub iyo kuwa xilkooda weyn doona.
Madaxweyne Xassan ayaa diiday in Caawa lagu dhawaaqo Safiirada cusub islamarkaana xilka Safiirnimo laga qaado tirro Safiiro ah.
Ma cadda sababta ka danbeysay in labadaasi mas’uul ay xiligaani isku qabtaan Liiska Safiirada.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

