28.3 C
Mogadishu
Saturday, May 2, 2026

Qarax lagu dhaawacay guddoomiye degmo oo…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Baraawe (Caasimada Online) – Sida ay sheegayaan wararka aan ka heleyno degmada Baraawe ee gobolka Shabeelaha Hoose, gudoomiyaha degmadaasi ayaa ka badbaaday isku day dil oo la doonayay in lagu qaarijiyo.

Qarax lagu aasay meel aan ka fogeyn xafiiska uu ku sugnaa gudoomiyaha Baraawe ayaa ka dhacay degmadaasi, waxaana la sheegay in qarax uu dhaawac kasoo gaaray gudoomiyaha degmada Baraawe.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu ahaa mi dhaawac fudud uu kasoo gaaray gudoomiyaha degmada Baraawe ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Xubno katirsan maamulka degmada ayaa warbaahinta u sheegay in Xuseen Barre Jeex uu dhaawac kasoo gaaray qaraxa la dhigay meel aan ka fogeyn xafiiska degmada Baraawe.

Qaraxa kadib ayaa ciidamada dowlada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM waxay baaritaano ka bilaabeen agagaarka goobta qaraxa uu ka dhacay, waxaana la baadi goobaya dadka falka ka dambeeyay.

Dhaawaca gudoomiyaha oo la sheegay inuu yahay mid aan weyneyn ayaa iminka lagu dabiibayaa degmada Baraawe.

La soco waxii kusoo kordhaa Insha allah

Caasimada Online
Xafiiska Sh/Hoose
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News