28.3 C
Mogadishu
Saturday, May 2, 2026

Wasiirka amniga oo maanta lagu dhegan yahay

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Amniga Xukuumadda Somalia, ayaa lagu wadaa in maanta oo sabti ah uu mar kale hortagi doono Xildhibaanada BFS.

Xildhibaan C/samad Macalin Maxamuud, ayaa sheegay in Xildhibaanada BF ay mar kale dalbadeen Wasiirka Amniga, waxa uuna sheegay in maanta oo Sabti ah laga sugaayo Xarunta Baarlamaanka Somalia.

Xildhibaan C/samad Macalin Maxamuud, waxa uu tilmaamay in Xildhibaanada BF aysan wali ku qancin Jawaabihii uu Asbuucii tagay bixiyay Wasiirka Amniga C/risaaq Cumar.

Waxa uu sheegay in Su’aalaha la weydiin doono ay u badnaan doonaan Amaanka dalka, waxa uuna cadeeyay in Wasiirka uusan wax muuqda kusoo biirin amaanka hadda jira.

Waxa uu sidoo kale sheegay in Su’aalaha la weydiin doono Wasiirka Amniga ay qeyb ka noqon doonaan Taliyeyaasha Ciidamada, isaga oo Taliyayaasha qudhooda ku eedeeyay inay ka gaabiyeen mas’uuliyadii saarneyd.

Haddalka Xildhibaanka ayaa kusoo beegmaaya xili dhamaadka Asbuucii tagay uu Wasiirka Amniga qaabab khaldan uga jawaabay Su’aalo uu Baarlamaanka weydiiyay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News