Xog: Magacyada wasiiradii xilalkooda ku waayey inay ku dhowaayeen KHEYRE

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya ayaa xalay ku dhawaaqay golaha cusub ee wasiirada ee ka mid noqonaya xukuumaddiisa oo muddo xileedkeeda uu ka dhiman yahay illaa muddo afar bilood ah.

Xukuumadda cusub oo ka kooban illaa 70 wasiir, ayaa waxa gebi ahaanba kasoo muuqan xubno ku dhowaa ra’iisul wasaarihii hore ee dalka, Xasan Cali Kheyre.

Wasiiradii u dhawaa Kheyre ayaa laga wada takhalusay sida ka muuqata liiska wasiirada cusub, halka kuwa aan xiriir aan buurneyn uu kala dhaxeeyay ra’iisal wasaarihii hore dib loogu soo celiyay boosaskooda, halka kuwa kalena isu bedel lagu sameeyay.

Xubnahaas ayaa waxaa ka mid ah: Wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdi Maxamed Sabriye, Wasiirka Amniga Gudaha Maxamed Abuukar Islow Ducaale, Wasiirka Boostada isgaarsiinta iyo Tiknoolijiyada: Eng. Cabdi Canshuur Xasan, Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha: Saadiq Warfaa Xersi, Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Shiikh Nuur Maxamed Xasan, Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Eng, C/llaahi Cali Xasan, Wasiirka Howlaha guud iyo Guryeynta Xasan Cabdi Hoosow.

Cabdirashid Khaliif Xaashi oo ah agaasimaha machadka daraasaadka siyaasadda ee Heritage ayaa wareysi uu bixiyey ku xusay in Rooble uu qashinka ku daray wasiiro muhiim ahaa oo laga fiiriyey xiriirkoodii kala dhaxeeyay Kheyre.

Kheyre ayaa xiligan ah musharax u tartamaya xilka madaxweyne ee uu ku fadhiyo Farmaajo, taasi oo dab kusii daartay xiisada khilaaf ee markii hore ku kala tageen madaxda u sareysa dalka.

Cabdirashiid ayaa sidoo kale wax la filayay ku tilmaamay in saaxiibada Kheyre laga waayo liiska wasiirada cusub, maadama hore dagaal adag loola galay Ra’iisal wasaarihii hore iyo xukuumadiisaba.

“Marka la-lama yaabi karo dagaalkaasi waa dhacay oo waa lagu kala adkaaday, ra’iisal wasaarihiina waa la bixiyey, markaa in la qariibsado dadkii isaga taageersanaa in la bixiyo ayaaba ah in wax lala yaabo,” ayuu yiri.

Magacaabidda golahan wasiirada  cusub ayaa ku soo beegmaysa xilli xasaasi ah oo uu dalka ku jira xaalad kala guur siyaasadeed, waxaana la filayaa in si rasmi ah uu dalka u galo doorasho dad-ban.

Madaxda maamul goboleedyada iyo madaxweynaha dowladda federaalka ayaa iyagu dhawaan ku heshiiyay qaabka loo marayo doorashada dhammaadka sannadkan 2020 iyo bilowga 2021.

Waxaana golaha wasiirada ee uu hogaaminayo ra’iisal wasaare Rooble looga fadhiyaa inay xuddun u noqdaan hannaanka doorashada iyo amniga guud ee dalka, inkasta oo ay jiraan caqabado badan oo xiligan ku hor gudban.