24.2 C
Mogadishu
Saturday, January 24, 2026

Xog: Mareykanka oo DF ku cadaadinaya in ay si deg deg…

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa haatan bilowday dadaallo dheeraad ah oo ku aadan sidii xal loogu heli lahaa khilaafka siyaasadeed ee ka taagan dalka, iyada oo durbo bilowday inay cadaadis saarto madaxda dowladda iyo mucaaradka.

Sida aty ogaatay Caasimada Online, Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Richard Riley ayaa toos ula xiriiray madaxda dowladda oo uu ugu horreeyo madaxweyne Xasan Sheekh iyo hoggaamiyeyaasha mucaaradka, gaar ahaan Madasha Samatabixinta, isaga oo u gudbiyay dalab culus oo ku aadan in mar kale ay fursad siiyaan wada-hadallada, si xal loo gaaro.

Sidoo kale Mareykanka ayaa doonaya inuu mar kale furo gogol ay ku wada-hadlaan mucaaradka iyo dowladda, iyada oo uu gar wadeen ka noqonayo Danjire James Swan oo ah wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya.

Khilaafka doorashada, wax ka beddelka dastuurka iyo xiisadda ka dhalatay dhulka danta guud qorshuhu yahay in laga wada-hadlo, waxaana lagu soo warrmayaa in labada dhinac ay aqbaleen dalabka Mareykanka ee ku aadan in laga wada-hadlo xiisadda taagan.

Dadaalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo haatan ay sii laba kacleysay xiisaddan, isla markaana ay isku rogtay gacan ka hadal, kadib dagaalkii dhawaan ka dhacay sadhigga degmada Warta Nabadda oo ay isku fara saareen ciidanka amniga iyo kuwa mucaaradka.

Waxaa kale oo haatan sii xoogeystay dagaalka afka ah ee u dhexeeya siyaasiyiinta mucaaradka iyo madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya, kadib khudbaddii uu shalay Madaxweyne Xasan Sheekh ka jeediyay furitaanka kalfadhiga 7-aad ee Baarlamaanka.

Mucaaradka ayaa khudbadda uu jeediyay Madaxweynaha Soomaaliya ku tilmaamay mid aan macno lahayn, maadaama aysan jirin aragti iyo qorshe cusub oo lagu soo bandhigay, ama go’aanno yididdilo leh oo lagu sheegay, ama isbeddel mowqif lagu shaaciyay.

“Su’aasha aan mar kasta is weydiiyo ayaa ah; muxuu Madaxweynuhu uga aamusan yahay arrimaha dhulka oo ah qadiyadda ugu weyn ee maanta dalka ka taagan, iyadoo lagu yaqaan inuu difaacdo go’aannadiisa?” ayuu yiri Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Waxa uu intaas sii raaciyay: “Soo lama oran karo wuxuu ogyahay in aysan sharci ahayn, waana sababta uu uga dhuumanayo?”.

Intaas kadib Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa ka jawaabay hadalka mucaaradka, isagoo yiri: “Khudbadda Madaxweynaha ee maanta baarlamaanka hortiisa uu ka jeediyey waxay xoogga saaraysay waxqabad muuqda, horumar amni, mid siyaasadeed, mid dhaqaale iyo mid bulsho ay ka mid yihiin.”

Waxa uu intaas kusii daray: “Madaxweynaha wuxuu tilmaamay halka loo socdo ee aan ka soo noqoshada lahayn ee doorasho qof iyo cod ah, shidaal qodistii in ay bilaabanayso kol dhow iyo in wadada wadahadalka kuwa ka soo horjeeda uu sii wadayo.”

- Advertisement -

Read more

Local News