27.9 C
Mogadishu
Saturday, January 17, 2026

Dagaalka mucaaadka iyo DF Soomaaliya oo sii xoogeystay

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Dagaalka afka ee siyaasadeed, una dhexeeya madaxda Dawladda iyo kuwa mucaaradka ayaa haatan sii xoogeysanaya, waxaana labada dhinac ay warbaahinta  isku marinayaan hadallo adag oo sii hurinaya xiisadda taagan.

Wasiirka Dastuurka iyo Cadaaladda Soomaaliya, Xasan Macallin Maxamuud oo maanta ka qayb-galay kulan wacyigelin ah oo ka dhacay degmada Kaxda ayaa qaaday tallaabo uu ku weerarayo siyaasiyiinta mucaaradka, isaga oo u jeediyay eedeyn culus.

Xasan Macallin ayaa shaaca ka qaaday in xubnaha la baxay Madasha Samatabixita ay ka shaqeynayaan fowdo iyo dalka inuu  dib ugu laabto dhibaatooyinkaa lasoo maray.

“Mucaaradka haddii uu xuduudiisu ka baxo wax toosinta haddii uu ka baxo oo dalkii iyo nidaamkii kala dambeyntii uu lumiyo meeshaas waxaa ka abuuranto fowdo” ayuu yiri.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Habka isbeddelka iyo nidaamka dowladnimada waxaa loo diyaariyay in dadku ay iyagu la yimaadaan xuquuda uu dastuurka siinayo ayayna kamid tahay”.

Dhanka kale, waxa uu soo hadal qaaday hannaanka doorashooyinka dalka oo uu weli muranka ka taagan yahay, isaga oo xusay in la aaday qof iyo cod, dadweynuhuna ay soo dooran doonaan hoggaankooda iyo goleyaasha deegaanka ee degmooyinka.

“Sanadkan waxaan rabnaa inaan ka dhabeyno doorasho qof iyo cod ah, degmada Kaxdana waxa ay yeelan doonaan maamul ay iyadu soo dooratay iyo gole deegaan” ayuu ku daray.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo haatan uu sii xoogeystay dagaalka afka ah ee u dhexeeya siyaasiyiinta mucaaradka iyo madaxda Dowladda Federaalka, kadib khudbaddii uu shalay Madaxweyne Xasan ka jeediyay furitaanka kalfadhiga 7-aad ee Baarlamaanka.

Mucaaradka ayaa khudbadda uu jeediyay Madaxweynaha Soomaaliya ku tilmaamay mid aan macno lahayn, maadaama aysan jirin aragti iyo qorshe cusub oo lagu soo bandhigay, ama go’aanno yididdilo leh oo lagu sheegay, ama isbeddel mowqif lagu shaaciyay.

“Su’aasha aan mar kasta is weydiiyo ayaa ah; muxuu Madaxweynuhu uga aamusan yahay arrimaha dhulka oo ah qadiyadda ugu weyn ee maanta dalka ka taagan, iyadoo lagu yaqaan inuu difaacdo go’aannadiisa?” ayuu yiri Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Waxa uu intaas sii raaciyay: “Soo lama oran karo wuxuu ogyahay in aysan sharci ahayn, waana sababta uu uga dhuumanayo?”.

Intaas kadib Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa ka jawaabay hadalka mucaaradka, isagoo yiri: “Khudbadda Madaxweynaha ee maanta baarlamaanka hortiisa uu ka jeediyey waxay xoogga saaraysay waxqabad muuqda, horumar amni, mid siyaasadeed, mid dhaqaale iyo mid bulsho ay ka mid yihiin.”

Waxa uu intaas kusii daray: “Madaxweynaha wuxuu tilmaamay halka loo socdo ee aan ka soo noqoshada lahayn ee doorasho qof iyo cod ah, shidaal qodistii in ay bilaabanayso kol dhow iyo in wadada wadahadalka kuwa ka soo horjeeda uu sii wadayo.”

- Advertisement -

Read more

Local News