29.9 C
Mogadishu
Tuesday, April 28, 2026

DF oo soo saartay go’aan culus oo la xiriira xajka 2026

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa caawa war cusub ka soo saartay arrimaha Xajka, waxaana la go’aamiyey in hoos loo dhigo qiimaha marka loo eego sanadihii lasoo dhaafay.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamze Cabdi Barre ayaa caawa Muqdisho uga qeybgalay munaasabadda daah-furka Xajka sanadka 1447, halkaas oo ay go’aanno cusub iyo qorshe la xiriira Xajka sanadkan kusoo bandhigtay wasaaradda awqaafta iyo arrimaha islaamka Soomaaliya oo iyadu u xilsaaran howlaha Xajka.

Wasiir Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) oo madasha ka hadlay ayaa ku dhawaaqay in hoos loo dhigo qiimaha sanadka ee Xajka, iyada oo la fulinayo amarka madaxda sare ee dalka, waxaana lagu jaan gooyay $4,543 dollar.

“Ra’iisul wasaare waa taa nagu amarteen in adegga kor loo qaado, qiimahana wax laga dhimo horta annaga waxaa ugu nimid 5230, haddana waxaa ka dhignay $4,543” ayuu yiri wasiirku.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay la dagaalameen musuqa iyo qaadasha laaluushka, si looga hortago in la dhiaateeyo Xaajiga Soomaaliyeed ee soo gudanayo waajibka saaran.

“Waxaan ka hortagnay, ka Wasaarad ahaan, lacag kasta oo laaluush ah oo laga qaadi karo shirkadaha ka shaqeeya Xajka, si aan ula xisaabtanno.” ayuu sii raaciyay.

Dhankiisa, ra’iisul wasaare Xamza oo munaasabadda ka hadlay ayaa si weyn u boggaadiyay shaqada ay qabatay wasaaradda awqaafta iyo arrimaha islaamka Soomaaliya, wuxuuna guud ahaan dadka Soomaaliyeed kula dardaamay inay iska toosiyaan Xajka iyo howlihiisa

“Xajka howlihiisa si aan u toosino, dad badan ayaan ku kula tagnay.” ayuu isna yiri ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa horay u sheegtay in sanadba sanadka ka dambeeya ay yareyn doonto qiimaha lagu soo xajinayo, taas oo ay ka dhabeysay sanadkan 1447 Hijriyah.

- Advertisement -

Read more

Local News