Xog: MASJID ku soo dumay dagaal-yahano Al-Shabaab ah kadib arrin ay sameeyeen

Jowhar (Caasimada Online) – Dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa shalay subax xoog soonka uga furay dadka ku nool degaanka Warciise oo ku yaalla duleedka degmada Jowhar ee gobalka Shabeellada Dhexe, waxaana halkaasi ka dhacay arrin la yaab ah. 

Dad goob joogayaal ah ayaa Caasimada Online u sheegay in Al-Shabaab ay qasab biyo ku siiyeen dad soomanaa kadibna waxaa la isugu geeyay masjid cusub oo laga dhisay degaanka, kaas oo ka sameysnaa Bulkeeti. 

Masjidka oo bilooyin ka hor la dhisay ayaa dumay markii ay Takbiirta ka billaabeen Al-Shabaab, islamarkaana dad aan badneyn qasab loo geeyay si Salaada Ciidda ugu Tukadaan. 

Ilo wareedyo dadka degaanka ah ayaa sheegay in Masjidka uu ka dumay laba qeybood, waxaana wax ku noqday dhowr dagaalame oo ka tirsan Al-Shabaab.

Arrintaan la yaab ku noqotay dadka degaanka waxaana aad looga hadal hayaa gobalka Shabeellada Dhexe, ayada oo dadka qaar ay ku tilmaameen mucjiso lagu tusayey Al-Shabaab in cidda ay shalay ciideen ay aheyd mid qaldan. 

Al-Shabaab ayaa shalay dadka ku nool deegaanada ay maamulaan ku amray inay ciidaan, kadib markii ay sheegeen in Bisha Shawaal laga arkay deeganao ka mid ah Hiiraan, Bakool iyo meelo kale oo ay joogaan Al-Shabaab, oo gaaraya illaa sideed goobood.

Soomaaliya inteeda kale ayaa waxaa laga ciiday maanta kadib markii la waayey cid sheegtay inay bisha aragtay, ayada oo dowladda federaalka ay amartay in shalay ay aheyd 30-ka Ramadaan, cidduna ay tahay maanta.