Xog: Mas’uuliyiin hor leh oo lagu wado inay weyn doonaan xilalkooda (Yaa kamid ah)

Muqdisho (Caasimada Online)-Warar lagu kalsoon yahay oo aan ka heleyno Madaxtooyada Somalia ayaa sheegaya inuu socdo qorsho hor leh oo xilka looga xayuubinayo mas’uuliyiin dhowr ah oo xilal kala duwan ka hay dowlada.

Xogta aan ilaa iyo hadda ka heleyno xarunta Madaxtooyada Somalia ayaa sheegeysa in xil ka qaadis lagu sameyn doono Taliyaha laanta socdaalka iyo Jinsiyadaha Somalia Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi).

Koofi, ayaa la sheegayaa in lagu bedeli doono mas’uul ka tirsan isla Hay’adda, halka isagana loo magacaabi doono xil cusub oo dhanka amaanka ah.

Mas’uuliyiinta xilalka weyn doona ayaa waxaa kamid ah Taliyaha Hay’adda dambi baarista CID, oo la sheegay inuu sababsan doono kiisas is uruursaday oo loogu xadgudbay mas’uuliyiin dhowr ah kuwaa oo la xiray warqad fasax la’aan ah.

Waxaa kamid noqon doona mas’uuliyiinka xilalka weyn doona Wasiiro ku-xigeeno la sheegay in loo heysto kiisas isdabamarin iyo Agaasimayaal dhowr ah kuwaa oo gabi ahaantooda warqadooda ay tahay mid miiska saran.

Dowlada Somalia ayaa ku guda jirta dardar galinta la dagaalanka musuqa, waxaana suuragal ah in kiisaska musuqa ay u xirmaan Wasiiro, sida laga soo xigtay Sarkaal ka tirsan guddiga dabagalka iyo la dagaalanka musuqa.

Si kastaba ha ahaatee, talaabada lagu doonaayo in lagu bedelo mas’uuliyiintan ayaa qeyb ka noqon doonta isbedelada dhanka shaqada oo ay ku howlan tahay dowlada Somalia.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com