Xog: Seefta Maxkamada G.Banaadir oo dusha ka saran Saraakiisha maaliyada 3 Hay’adood (Maxay kala yihiin)

Muqdisho (Caasimada Online)-Warar hoose oo aan ka heleyno illo wareedyo ka tirsan Maxkamada Gobolka Banaadir ayaa sheegaya in Maxkamadu ay ku howlan tahay xariga Saraakiil ka kala tirsan Hay’adaha Booliska, Militeriga iyo Nabadsugida Somalia.

Xogtu waxa ay sheegeysaa in Gudoomiyaha Cusub ee Maxkamada Gobolka Banaadir Muuse macalin Maxamed uu amar ku bixiyay in dhammaan Saraakiisha lo ohayo cadeymaha musuqa la xiro si loo horgeeyo sharciga.

Saraakiisha Hay’adaha amaanka ee isha lagu hayo ayaa la sheegay inay yihiin kuwa Seddexdaasi Hay’adood u qaabilsan dhanka Maaliyada oo iyagu la sheegay inay ku tagri falaan hantida ciidamada.

Saraakiisha xafiiska maaliyada ciidamada Booliska, Nabadsugida iyo Booliska ayaa la xaqiijiyay in lagu hayo cadeyno kuwaa oo isugu jira Lacago, Guryo iyo Warqado muujinaaya inay isku dabamariyeen mushaaraadka bilow dhowr ah.

Waxa ay xogtu tibaaxeysaa in Saraakiisha xafiisyada Maaliyada Seddexdaasi Hay’adood ay iibsadeen guryo ka badan mid Seddex kuwaa oo laga iibsaday mushaaraadka iyo xuquuqda ciidamada Qaranka.

Musuqa ay ku kacaan Saraakiisha xafiisyada Maaliyada Hay’adaha amaanka ayaa waxaa kaalin weyn ka qaata qaar kamid ah Taliyayaasha, waxaana musuqa ceynkaasi ah difaaca Xildhibaano qaata lacago laaluush ah.

Sidoo kale, dagaalka musuqa ay wado dowlada Somalia oo sii ballaaranaaya ayaa waxaa iminka u xiran Saraakiil dhowr ah kuwaasi oo lagu helay cadeymo muujinaaya inay geesteen xadgudub hantiyadeed iyo laaluush.

Arrintaani ayaa kusoo beegmeysa xili musuq ceynkaani ah ay xabsiyo ugu jiraa mas’uuliyiin ka howlgasha Wasaarado kala duwan oo ka tirsan Xukuumada Somalia.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com