Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Soomaaliya ayaa shaacisay in la dhameeyay khilaaf soo kala dhex galay saraakiisha ciidamada dowlada Kenya iyo kuwa dowlada Soomaaaliya ee ku sugan gobolka Gedo.
Gudoomiyaha degmada Ceelwaaq ayaa sheegay iney dhameeyeen khilaafkii u dhaxeeyay ciidamada dowlada Soomaaliya iyo kuwa Kenya oo ka taagnaa degmada Ceelwaaq iyo deegaanada hoostaga ee gobolka Gedo.
Gudoomiyaha ayaa sheegay in xiisadaasi aysan aheyn mid weyn laakiin markii dambe la dhameeyay la iskuna raacay in xiisada la joojiyo, islamarkaana ciidamada loo raadiyo mushaaraadkooda ayna mideysnaadaan.
Xiisada ayaa markii hore ka bilaabaday markii sarkaal Kenyan ah uu isku dayay inuu burburiyo guutooyin ciidamada dowlada Soomaaliya oo ku sugan duleedka degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo.
“Waxaan kuu sheegayaa wuu dhamaaday khilaafkii ka taagnaa Ceelwaaq iyo duleedka degmadaasi Ceelwaaq, waxaa lagu hishiiyay in ciidamada mushaarka loo raadiyo, ayna isku xirnaadaan”ayuu yiri gudoomiyaha degmaa Ceelwaaq.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

