Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan kamid baarlamaanka Soomaaliya ayaa sharci daro ku tilmaamay kala deristii uu sameeyay madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud oo uu ku kala diray golaha garsoorka qaranka.
Xildhibaan C/raxmaan Xoosh Jabriil oo la hadlay VOA ayaa sheegay in madaxweynaha uu hareer maray dastuurka KMG ee Soomaaliya, kaasi oo aan madaxweynaha awood u siineynin inuu gole kala diro.
Wuxuu sheegay in kala dirista golaha garsoorka Soomaaliya lagu sameyn karo soo jeedin ka timaado golaha wasiirada Soomaaliya, taasina aysan dhicin maadaama aan lagu soo qorin warqada kala dirista golaha garsoorka Soomaaliya.
“Hal meel ugama jirto markaan aragnay talooyinka golaha wasiirada kuma qorna, in golaha la kala diraa awood uma lahan madaxweynaha, dastuurka wuxuu leeyahay awooda fulinta wuxuu gacanta ugu jiraa golaha wasiirda, marka side madaxweynaha awood ku yeelanayaa”.ayuu yiri Mr Xoosh Jibriil.
Digreeto kasoo baxday xafiiska madaxweynaha oo saxaafada si hoose u heshay ayaa lagu kala diray golaha garsoorka Soomaaliya.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

