Xog: Maxaa ka cusub mooshinka Xasan Sheekh?

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaano ka tirsan BF Somalia aya siyaabo kala duwan kulamo ugu qaatay Hoteelada ugu waaweyn ee Magaalada Muqdisho.

Hoteelada uu kulanka ka dhacay ayaa kala ah Jazeera, Al xayaat iyo City Palaz, waxa uuna kulamada kala ahaa laba qeyb oo isugu jira muxaafid iyo mucaarad.

Hoteelada City palaz iyo Al xayaat ayaa waxaa ku kulmay Xildhibaanada kasoo horjeeda Madaxwweyne Xassan Sheekh Maxamuud, halka Hoteel Jazeera ay ku kulmeen Xildhibaanada taabacsan Xassan Sheekh.

Kulamada ka dhacay labada Hoteel oo ay ku kala kulmeen Xildhibaanada kasoo horjeeda Madaxweynaha ee saxiixay Mooshinka xilka looga tuuraayo Xassan ayaa waxaa isugu yimid inkabadan 120 Xildhibaan oo iyagu aaminsan inay soo afjarayaan Dowlada Xassan Sheekh, waxaana kulankaasi ka maqnaa Xildhibaano badan.

Mooshinka lagu tuuraayo Madaxweyne Xassan ayaa lasoo warinaya inuu kasoo dhamaaday dhanka Xildhibaanada Mucaaradka, waxaana dhiman tiro xildhibaano oo iyagu codkooda ku biirin doono Mucaaradka.

Xildhibaanada ku kulmay Hoteel Jazeera ayaa wado qorsho lagu fashilinaayo Mooshinka laga diyaariyay Madaxweynaha, waxaana suuragal ah inay ku fashilmaan maadaama inta badan Xildhibaanada ay saxiixeen Mooshinka.

Dhanka kale, Mooshinka ayaa walaac adag ku beeray Madaweyne Xassan oo aan taageero xiligaani ka heysan Beesha Caalamka, iyadoona hirgalinta Mooshinka ay sii ololinaayaan Xubnaha Dowlada Mareykanka ka jooga Somalia.

Mooshinkaani ayaa imaanaaya xili ay dhawaan beesha Caalamka sheegtay inay dhaliilsanyihiin siyaasada uu Xassan sheikh ku hagaayo dalka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com