Saadaasha mustaqbalka Galmudug iyo saddexda MUSHARAX ee xilka madaxweynaha isku haya !!!

Asalamu calaykum

Marka hore ilaahay yaa mahad u sugnaatay nagu galadaystay caqliga saliimka. Ilaahay ayaa qaybka og. Waxaan rabaa inaan Dadwaynaha Somaliyeed iyo inta danaysa arimha galmudug ila wadaagaan aragtidayda ku saabsan Mustaqbala galmudug iyo murashaxiinta ama tartamayaasha. Waxaan soo qaatay saedexda ugu cad cad tartanka waa lag yabaa in raga kale guulaystaan. Waxaa ku bilaabyaa:

Murashax Amasadoor Axamed Macalin Fiqi. Waxaa hada la safan qaar Murashixiinta ka mid ah oo rajadoodu yartahay oo u arka inay la shaqaysan karaan maadama uusan Saxiibo badan oo awood leh haysan sida Dawalada dhexe iyo kuwa dariska ah, markuu wadi waayana shaqada si tartiiba xukunka ugala waregaan sida ku sameeyeen Axmed maxmed Calin Madxawynihii hore ee galmudug. Maxaa dhacay haduu guulaysto Murashax Fiqi? Anigu waxaa saadalinayaa Arimha Soo socda:In Xiriirka galmudug Iyo Dawlad Dhexe Xumaado ooo ay Dhabarka u jeediso oo mashaariicdii Horumarka ee gobolka, Dhismihii iyo qalabayntii ciidamdana lug jiido, oo ay ku adkaato bixinta Mushaarka xildhibanda iyo wasiirada madaama uu Fiqi mar kasta Dhaleecayn iyo aflgaado ku hayey ilaa mudadii laga qaaday Taliyah nabdasugida Qranak. Guushiisu waxay faaido u tahay Muistqabkla kooxda Alu Sheikh ee Sheikh Shariif Daaha gadshiisa ka hogaamiyo iyagoo ku xisaabtamaya doorashada 2016 inay xukunka ku soo laabtaan Lakiin waa Afar sano ama shan sano Qasaaro ah oo u soo hoyatay shacabka Galmnudug.

Murashax Amasadoor Axmed C/salaan: waa Nin galagal badan oo saxiib ku leh wadamda dariska sida Ethopia kuna xiran Ahlusuna waljamaca. Axmed ma xuma xiriirka isaga iyo Dawalda dhexe waa lag yabaa in uu sida madaxada jubland iyo putland cudud dhaqaale iyo mid military uu helo uu maamuliiksa ku meel mariyo Caasimda Dhuuso mareeb fariisto. Dad badan waxay ay rumaysanyihiin in taldii galmudug ay gacanta Ethopia gashay oo sida madaxda maamul goboleedyada qarkooda.

Murashax A/kariin Xuseen Guuleed: Waa Nin wadaad ah oo saxiib dhaw la ah Madaxda dawlada dhexe, asago go’doon siyasadeed iyo mid dhaqaale walwal kuma hayaan sababtoo ah mashaariicda Turkiga iyo imaaraadka Gacanta Saxiibkiisa Madxwayne xasan sheikh ayey ku jiraan. Guusha C/kariin waxay garab u tahay Dawalda dhexe oo ay caqbado badan ku hayaan jubaland iyo iyo Puntland.waxa kale ay faaido u tahay Shacabka Galmudug iyo deeganadiisa.Waxaa xildhibaanada galmudug kula talin lahaa In aad aragti fog yeelateen oo Mustqablka Dadkiina iyo dalkiina U doorataan Hogaamiye Daacad ah oo Diin Iyo Akhlaaq leh Ilaahay waa idinkula xisaabatmi donaa Kitaabka aad ku dhaarteen Bisha ramadaan

Mohamed Warsame

Mwarsame2011@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid