“BF waxa uu ugu talo galay inuu cusbooneysiiyo colaaddii Hawiye iyo Daarood” Waxaa sidaa yiri..

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanad Xamze Sheekh Xusseen, oo ah xildhibaanad ka tirsan Baarlamaanka Federaalka ah ee Somalia ayaa ka hadashay qaabka ay u shaqeynayaan Xildhibaanada iyo sida sahlan oo ay ugu degdegayaan qaadashada go’aan aan laga fiirsan.

Xildhibaanada ayaa sheegtay in go’aankii lagu kala diray BJ uu dhalinkaro dib usoo noolanshaha colaadihii Soomaalida qaar ka dhexeysay 1991.

Waxa ay sheegtay in go’aanka uu BF Somalia ka qaatay BJ uu yahay mid ay wataan shaqsiyaad faratiris ah oo aysan kawada sineyn Xildhibaanada oo idil, taasina lagu doonaayo in lagu carqaladeeyo wada noolaanshaha Beelaha Soomaaliyeed.

”Anigu maqabo in ujeedka lagu kala diray BJ uu ahaa mid lagu raadinaayo sharciga, balse waxaan qabaa inuu ahaa mid lagu sii kala geynaayay Beelaha Soomaaliyeed Hawiye iyo Daarood”

Colaad ayay sheegtay inuu ka dhalankaro go’aanka kaasi oo u dhexeeya Beelaha Soomaaliyeed gaar ahaan Hawiye iyo Daarood oo horay taariikh ay usoo dhexmartay.

Dhanka kale, Mudanayaasha BF ayay ku boorisay inay ka fiirsadaan talaabooyinka laab lakaca ah oo ay tiigsanayaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com