DOORASHO “Hal Shaqsi Hal Cod” ah oo si fudud looga qaban karo Soomaaliya, weliba isla maanta

1- Adeegyada EVC Plus oo lagu daro hal adeeg oo ah Adeega Doorashada “Soo Tuur Madaxweynahaaga ama Xildhibaankaaga ama Ra’iisulwasaarahaaga”

2-Numbar Sireedka kasta (PIN Code) ee EVC Plus waxaa la siinayaa inuu u leeyahay fursad hal mar oo kaliya oo uu ku tuuri karo cidda uu u codeynaayo ( ha ahaato in madaxweyne la dooranaayo, ama xildhibaanada ama ra’iisulwasaaraha)

3- Waxaa xitaa laga soo saari karaa dakhliga ey qabanqaabada iyo guddiyada doorashadu u baahanyihiin qarash ahaan; kaliya muwaadin kasta ee tuuraya cidda uu u codeynayo waxaa raaceysa oo la tuurmeysa dhowr sent, marka xitaa looma baahna in qarash loo raadiyo kale.

Hal Shaqsi Hal Cod waa suurtagal dalkeena ee ha lagu dhaqaaqo waxbana yaan waqti la isaga dhumin reer hebel iyo reer hebel, 4.5, iyo xaajada kuwa dowlad diidka ee ku naaxay fowdada ey rabaan.

​Odayaasha dhaqanka ha laga daayo dambiga iyo lugooyada oo shaqsi walba si xor ah ha u doorto ciddii uu la rabo hogaanka dalka, ha ahaado Xildhibaan, Madaxweyne, Ra’iisulwasaare IWM.

Ramadan Kariim,

C/qaadir Cabdi Faarax​