Ahlu-Sunna oo u hanjabtay maamulka Galmudug

Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Ururka Ahlu sunna Waljamaaca oo dhawaan qabsaday magaalada Dhuusomareeb sheegayna iney maamul ka dhisayaan gobolada dhexe ee dalka, ayaa sheegay iney sugayaan dhismaha maamulka Cadaado iyo halka uu ku shaqeyn doono.

Sheikh Cumar Sheikh C/qaadir, oo ah gudoomiyaha tallada maamulka Ahlu sunna ayaa sheegay ineysan aqbal saneyn waxyaabaha ka socda magaalada Cadaado uuna yahay shirkaasi mid lagu shirqoolayo shacabka, sida uu hadalka u dhigay.

Wuxuu nasiib daro ku tilmaamay dadaalka dowlada Soomaaliya ay ka wado magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud, halkaasi oo dhawaan lagu soo doortay gudoomiyaha baarlamaanka maamulka Galmudug iyo ku xigeenadiisa.

“ Waxyaalaha nasiib darrada ah oo aan la qaadan Karin waxaa kamid ah inay dowladda Xasan Sheekh beel beel ukala qeybinayso dad Soomaaliyeed oo maamul sameystay oo aayahoodii ka tashaday,” ayuu yiri Sheekh Cumar.

Wuxuu si cad u sheegay in dowlada Soomaaliya madaxdeeda aysan ku jirin wax masuuliyad iyo wadaniyad ah, sida uu hadalka u sheegay Sheikh Cumar C/qaadir.

“ Wax mas’uuliyad ah, Wax wadaniyad ah iyo wax danqasho ah malahan. Shirqool iyo dad ay isku diraan mooyee Ka sugi mayno Xasan Sheekh iyo kooxdiisa inay wax soo kordhiyaan. Waxaan leenahay shartooda iyo dhibaatada ay u geysteen gobolada dhexe ayaa nagu filan maanta,

Caasimada Online
Xafiiska Galgaduud
Caasimada@live.com