Muqdisho (Caasimada Online) – War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in Saaka shaqo joojin lagu sameeyay Shirkad lagu magacaabo Sahal ee dadka ka dhoofaya Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde Basaska uga qaada Agagaarka Isgoyska KM4 ilaa iyo Gudaha Garoonka.
Shirkadaani oo horay Heshiis gaara ula gashay Dowladii hore ayaa xarumo ku leh Agagaarka Isgoyska KM4, halkaa oo Basas looga qaado dadka Safarka ah isla markaana lagu geynaayo Gudaha Garoonka Aadan Cadde.
Shirkadaani ayaa sidoo kale dadka Safarada ka imaaday ee kusoo laabta dalkooda Gudaha Garoonka kaga soo qaada Basas kuwaa oo laga qaado lacago kala duwan.
Shirkada Sahal oo aan Saaka dadka u daabuleynin Garoonka ayaa shacabka ula dhaqma qaab u muuqaal eg afduub, waxaana xusid mudan in dadka liita iyo kuwa dhaqanba ay kala soo dagaan gaadiidka raaxada si ay ugu qaadan Basaska.
Shirkadaani ayaa Heshiis gaara la gashay Ciidamada Dowlada ee ka howlgala afafka hore ee Garoonka Aadan Cadde kuwaa oo dadka musaafuriinta ah ee kasoo baxsada Basaska ku amra inay dib ugu laabtaan halka ay ka imaaden oo ah Isgoyska KM4, isla markaana ku amra inay soo raacan gaadiidka Basaska ah.
Dadka shacabka ee Musaafuriinta ah ayaa dhibaatooyin kala duwan ku qaba Basaska waxaana dadkaasi ku jira kuwo aan awoodin inay bixiyaan lacago kale, iyagoo og in lacagaha ay qaadato shirkada Basaska lagu naas nuujiyo shaqsiyaad gaara.
DHAQAALAHA LAGA QAADO MUSAAFURIINTA IYO KUWA KUSOO LAABTA DALKA.
1- Dadka u safraaya Gobolada dalka $6.
2-Dadka u safraaya dalka dibadiisa 11 dibada.
3- Dadka kasoo safra Gobolada ee kusoo laabanaaya magaalada Muqdisho $3.
4-Dadka kasoo laabanaaya dalka dibadiisa waxa ay shirkada ka qaadaa $6.
Ciidamada Garoonka ayaa dadka ku qasba inay wataan Ticket-ka shirkadaha Basaska ee la magacbaxday Sahal.
Shaqo joojinta oo aan la ogeyn inay tahay mid joogta ah iyo mid maalmo ku eg, ayaa la sheegay inay ka danbeysay kadib markii Askari ka tirsan ilaalada Garoonka uu Ticket-ka shirkada Basaska Sahal darteed u dilay Haweeney musaafir aheyd oo baalmartay Xarunta Basaska.
Dhinaca kale, warar aan la hubin ayaa sheegaya in shaqo joojinta uu amray Taliyaha Hay’adda Nabadsugida Gen. C/lahi Gaafow, kadib dilka Shirkada darteed loogu geystay Hooyo Soomaaliyeed.