Xog: Maxaa ka jira in xilka laga qaadayo agaasime Mahad Salaad iyo saraakiil kale

Muqdisho (Caasimada Online) – Saacadihii lasoo dhaafay waxaa aad loo hadal-hayey in madaxweynaha Soomaaliya uu damacsan yahay inuu xilalka ka qaado masuuliyiin uu ku jiraan taliyaha NISA Mahad Salaad iyo Taliyaha Xoogga Jeneraal Ibraahim Sheekh Muxudiin.

Hadal-heyntaan oo soo bilaabatay markii Hotel SYL ay Shabaab weerareen Jimcihii hore ayaa sii xoogeysatay saacadihii lasoo dhaafay, waxaana jiray warar sheegayey in Xasan Sheekh uu qorsheynayo in hoggaanka NISA iyo Taliska Xoogga  uu is bedel ku sameeyo.

Caasimada Online oo u kuurgashay ajendaha kulanka Khamiislaha ah ee berri ay yeelanayaan golaha wasiirrada ayaa ogaatay in ajendaha aysan ku jirin arrintaas, isla markaana uusan jirin qorshe xil ka qaadis ah oo miiska u saaran Madaxweynaha.

Taliyaha NISA Mahad Salaad oo xilka haya  muddo ku dhow labo sano ayaa aad loogu amaanaa is bedelka uu ka sameeyey amniga caasimadda Muqdisho oo hortiis maalin kasta lagu xasuuqi jiray shacabka, masuuliyiinta iyo ciidamada dowladda.

Caasimada Online waxay xaqiijisay in Mahad Salaad uu hadda yahay musharax u taagan xilka madaxweynaha Galmudug, doorashada Gamudug ayaa dhaceysa bilaha December ilaa Janaayo, waxaana lagu wadaa in markaas uu iska casilo xilka hey’adda NISA.

Dhinaca kale, waxaa ilo xog ogaal ah ayaa noo xaqiijiyey in Xasan Sheekh uusan weli wax is bedel ah u qorsheynta taliska ciidanka xoogga dalka oo ka mid ah xafiisyada la hadal hayo in isbedel lagu sameyn rabo.

Madaxweyne Xasan ayaa horay uga baaqsaday in Taliyaha xoogga ama wasiirka gaashaandhigga uu midkood xilka ka qaado, iyadoo xaaladu qasan tahay oo ciidamadu ka soo baxeen furimaha dagaalka, gaadiid badana ay Shabaab ka furteen dowladda.

Taliyaha xoogga Jeneraal Ibraahim oo inta badan joogi jiray Muqdisho ayaa hadda ku maqan furimaha dagaalka, wuxuu joogaa Shabeellada Dhexe, wuxuuna hoggaaminaya oo dib boorka uga jafayaa dhameystirka wajiga 1-aad ee dagaalka Khawaarijta.

Sidoo kale, hadalheynta saacadihii lasoo dhaafay qabsatay baraha bulshada waxaa ku jirtay in xilka laga qaadi doono Taliyaha Booliska, xubnaha ku dhow xafiiska Madaxweynaha ee noo waramay waxay xaqiijiyey in arrintaas aysan waxaba ka jirin oo madaxweynaha aysan u qorsheysneyn wax is bedel ah oo lagu sameynayo hey’adaha ammaanka.