Xog: Maxaa ka socda oo loo buux dhaafiyey guriga Cali Guudlaawe ee Muqdisho?

Muqdisho (Caasimada Online) – Saacadihii la soo dhaafay waxaa mashquul aad u daran uu ka jiro guriga uu magaalada Muqdisho ka dagan yahay madaxweyne ku-xigeenka HirShabelle Cali Cabdullaahi Xuseen, waxaana ku qul qulaya dhalinyaro badan oo xil doon ah.

Dhalinyaradaan oo u badan Jaamiciyiin islamarkaana ka soo jeeda HirShabelle ayaa doonaya in ay kamid noqdaan xildhibaanada cusub ee maamulkaas, waxeyna Guudlaawe u arkaan albaabka laga galo HirShabeelle.

“Aniga iyo masuuliyiin kale ayaa u tagay Guudlaawe waxaan u sheegay rabitaankayga waxa uuna ii balan qaaday inuu iga dhigayo xildhibaan, markii aan soo baxana aan ka shaqeeyo sidii aan codkayga usiin lahaa xilliga doorashada,” ayuu yiri mid kamid ah dhalinyarada Muqdisho oo habeen hore loo geeyay Madaxweyne Cali Guudlaawe.

Wararka aan helnay ayaa sheegaya in Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe dadkii loo geeyay u balan qaaday inuu ku gacan siin doono inay kamid noqon doonaan baarlamaanka cusub, isagoo u sheegay in aan looga baahneen raadinta odayga dhaqanka iyo qancinta beeshooda.

HirShabeelle ayaa gashay marxalad kala guur ah, waxaana dhawaan la magacaabay guddiga farsamada ee soo xulista baarlamaanka labaad ee maamulkaas, kaasi oo soo doornan doona madaxweynaha

Muddo xileedka baarlamaanka HirShabeelle ayaa ku eg 9-ka bisha October ee sanadkaan halka Madaxweynahana uu ka horreeyo maalmo kooban.

Cali Guudlaawe ayaa ka mid ah musharaxiinta ugu cadcad ee la filayo inay xilka qabtaan, waxaana jira warar sheegaya in rajadiisa aad u xoogan tahay, inkasta oo aysan caddeynm waxa laga yeelayo heshiis dhigan oo sheegaya in beel ka mid ah kuwa dega Hiiraan oo kaliya ay xilkaas qaban karto.