Maxay Puntland iyo Jubaland ku diideen Dhusamareeb 3 oo Muqdisho ay ku tegayaan?

Shirkii ku qabsoomey magaalada Garoowe ee u dhexeeyey maamulada Jubaland iyo Puntland waxaa ka soo baxay in shir afaraad la isugu tegayo magaalada Muqdisho shirkaas oo ay ka qayb-galayaan labadan maamul ee horey u qaadacay shirkii Dhuusamareeb 3.

Shirka ayaa lagu macneeyey in uu noqon doono mid lagu qabyo tiraayo natiijadii Dhuusamareeb 3.

Waxaa laa filaayey in shirka Muqdisho ay ka soo wada qaybgalayaan dhamaan Dowlad goboleedyada, ayaa hadda waxaa muuqata in saddexdii Dowlad goboleed ee qaybta ka ahaa Dhuusmareeb 3 ay u muuqdaan kuwo aan ka qaybgalayn markii ay soo saareen war-saxaafadeed wada jir ah oo loo fahmey in ay u arkaan shirka Muqdisho mid u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo labdii maamul ee ka maqnaa Dhuusmareeb 3, maadaama ay iyagu horey u saxiixeen heshiiskii Dhuusamareeb 3.

Isbeddel kasta oo lagu sameeyo heshiiskaas ayaan la ogeyn inay duuduub ku qaadan doonaan.

Waxaa magaalada Muqdisho laga dareemayaa qaban-qaabada soo dhaweynta Madaxweynayaasha Dowlad goboleedyada Jubaland iyo Puntland, waxaana la is weydiinayaa waxa iska beddeley go’aamadii hore.

Marka aan dib u eegno go’aamadii labada maamul ay ku qaadaceen Dhuusmareeb 3 iyo eedaymaha ay u jeediyeen Dowladda federaalka waxaan ku soo koobi karnaa:

  1. Burburinta xukuumaddii hoggaamin lahayd doorashada
  2. Faro gelinta Dowladda Federaalku ay ku hayso gobolka Gedo
  3. Ku xadgudubka metalaada Golaha Aqalka Sare
  4. Isku gaar yeelidda Guddigii Farsamada ee lagu heshiiyey Dhuusamareeb 2.

Haddaba si ay shir kale uga qayb-galaan waxay xujeeyeen:

In Madaxweynuhu magacaabo Raysal wasaarihii qayb ka noqon lahaa fulinta heshiisyada iyo qabsoomidda doorashooyinka 2020/21.

Qabsoomidda shirka waxaa ka horeysa in la helo hubinta in lagu gaarayo heshiis saldhig leh, (kadib khudbaddii Farmaajo ee Golaha Shacabka) sidaas darteed in shirka ay ka qaybgalaan diblomaasiyiinta beesha caalamka.

Dhuusamareeb 3 kadib

Labada maamul ayaa war-saxaafdeed wadajir ah oo ay soo saareeb kadib natiijadii shirkii Dhuusamreeb 3 waxay muujiyeen dabac iyo in ay salaankii dheeraa ka soo degeen, maadama ay meesha ka baxday qorshihii uu watey Madaxweyne Farmaajo ee qof iyo cod ee ay ku qarsooneyd muddo kordhin, sidoo kale waxaana jirey culeys diblomaasiyadeed oo labada maamul la saarey.

Shirka Muqdisho qabyo-tir ?

Shirka Muqdisho macada in lagu gaari doono heshiis dhameystiran hadii la isku afgaran waayo in qodobadii Dhuusamareeb 3 la faro geliyo, inkasta oo qodobada la faro-gelinaayo maamulada kale dheef mooyee aysan wax dhibaato ah ugu jirin waxaana kamid ah.

  • Guddiga doorashada in si wada jir ah loo magacaabo
  • Xisbiyada oo meesha laga saaro maadaama aysanba jirin Xisbiyo rasmi ah
  • Tirada Ergooyinka wax dooranaya

Saddexdan qodob ayaa ugu muhimsan in wax laga beddelo natiijadii heshiiskii Dhuusamareeb 3.

Waxaa muuqata in maamulada Puntland iyo Jubaland ay meel iska dhigeen in ay cid kale u doodaan, sida magacaabidda raysal wasaaraha oo saami-qaybsiga dadkii iskalahaa loo daayo. Madasha Xisbiyada iyo mucaaradka ayaa Dhuusamareeb 3 si duuduub ah u soo dhaweeyey, sidoo kale waxaysan sooba hadal-qaadin magacaabidda Raysal wasaaraha, taas oo Puntland iyo Jubaland ku xambaartey cidkasta ha fulise in aan xujo danbe laga dhigun magacaabidda raysal wasaaraha.

Haddaba dadka ka faallooda arrimahan ay sheegayaan in laba arrimood midkeed ay Muqdisho geyneyso Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland.

  • Wixii ka soo baxay Dhusamareeb 3 in ay ahayd waxay Dowaldda Federaalku soo diyaarsatey, maamuladan kalena aysan waxba ku darsan cidda ay wax ka beddelkooda iyo wax ku darkooda kala gor-gortamayaan ay tahay cidda markii horeba soo diyaarsatey.
  • In la tago Muqdisho ayaa dhinaca kale meesha ka saareysa doodii Madaxweyne Farmaajo ee ahayd inuu mar walba Muqdisho wadatashi dib ugu noqodo, taasi oo loo arkay mid uu Madaxweynaha wakhtiga ku dilayo.

Mid ay tahayba, Puntland iyo Jubaland waxaa looga fadhiyaa in dadkooda u caddeeyaan waxa beddeley in ay Dhuusamareeb 3 diidaan oo Muqdisho 1 yeelaan.

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid