Maxaad ka taqaanaa xubnaha DAMUL- JADIID ee majaraha u haya DF (Aqriso)

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo Dowlada Madaxweyne Xasan Sheekh lagu sheego inay majaraha u hayaan Shaqsiyaad ku bahoobay Urur diimeed, ayaa waxaa haddan isa soo taraaya tirada Magacyada shaqsiyaadka Awooda badan ee ku hareersan Madaxweyne Xasan Shekh Maxamuud.

Baaritaano iyo daraaseyn aan sameynay ayaa waxan ku Ogaanay in Dowlada Federaalka ay Majaraha u hayaan shaqsiyaad aan xilal ka heyn DF, balse ay awoodooda si xad dhaaf ah uga dhex shaqeyso Somalia.

Shaqsiyaadkaani ayaa waxa ay badi xiligaani ku nool yihiin Madaxtooyada Somalia, waana kuwa ay ka go’do Talada Dalka, waxa ayna isugu jiraan kuwa aqoon leh, kuwa aan aqoon laheyn iyo qaar ka tirsan Ganacsatada ugu magaca dheer Dalka waxa ayna kala yihiin:-

1 – Faarax Sheikh C/qaadir oo ah hogaamiyaha ruuxiga, waxa uu daraasadka Islaamka ku soo qaatay jaamacad ku taal Pakistan Wuxuuna si wanaagsan ugu hadla luuqadaha Ingiriiska iyo Carabiga, waana shaqsi hal abuur badan, islamarkaasna yaqaan sida uu u burburiyo qofka kasoo horjeeda.

2 – C/kariin Xuseen Guuleed: Waa shaqsiga labaad xagga awoodda kooxdani, waa nin aad u firfircoon oo gal gal ah, aadna u kala yaqaan bulshada Xamar.

3 – Dr. Maxamed Axmed Sheekh Cali (Doodishe), waa ninka ugu aqoonta badan Kooda Damjadiid, waxa uu shahaado PHD ee Culuumta Siyaasadda ka qaatay Jaamacad ku taal dalka Suudaan.

4 – Cumar Daahir C/raxmaan: Wuxuu arimaha diinta kusoo bartay Sucuudiga sanadihii sideetameyadii, wuxuuna leeyahay bulsho dhex gal xoog badan, waana shaqsiga sadexaad xagga awooda Damjadiidka, Cumar waxaa uu kasoo jeeda beelaha yar yar, waxana ay aad isgu dhawyihiin qaraabona yihiin Faarax C/qaadir.

5 – Maxamed Cabdi Abtidoon, Waa Hawiye Habar gidir ‘’Saleebaan’’, Waxa uu ahaa Maamulkii Sare Ee Dugisga Hoose Dhaxe ee Maxamuud Xarbi Sanadii Danbe ee Xiliga Dagaalada Sokeeye , wuxuu horey u ahaan jirey Urukii Aala Sheekh ee dowlada Shariif, awoodna ku lahaa , laakiin wuxuu in yar ka mid noqdey xubin ka tirsan Islaax, ka dibna waxa uu ku darsamay kooxda Dam-Jadiid. Abtidoon wuxuu xiligii dowladii farmaajo noqdey wasiirka u dowlaha gashaan dhigga.

6 – Dr. Maxamed Nuur Gacal, waxaa uu sida Abt doon ka mid ahaa Aala Sheekh, wax yarna waxa uu ku biirey Islaax, ka dibna waxaa uu ka mid noqdey Koxdan Dam jadiid. Gacal oo u dhashay beesha Hawiye Murursade (Sabti) waxaa uu ku xigeen ka ahaa Xafiiska ururka Iskaashiga islaamka  ku leeyahay Soomaaliya, Waxa uuna Wasiiru Dowle ka noqday Dowlada Xassan Sheekh. Ninkani waxa uu shareecada iyo qaanuunka ku bartay dalka Suudaan, waxaana halkaas uu dhawaan ka qaatay shahaadada PhD-da.

7 – Dr Maxamed Xaaji: Waxa uu inta badan waxbarashadiisa kusoo qaatay Dalka Sudan, waxa uu bare ka ahaa Jaamacad ku taalla Magaalada Khartoum “Africa” waxa uuna kamid yahay Culimada Majaraha u haaya Dam-Jadiid.

8 – Mahad Maxamed Salaad: Waa Habar-Gidir Cayr, wuxuu ku hadlaa afafka Carabiga iyo Ingriiska, waxaana uu shahaado  Masters Culuumta Siyaasadda ku qaatay jaamacad ku taal dalka Masar. Mahad Salaad kamid ma ahayn ururada diniga ah, laakiin wuxuu muddo ahaa sarkaal sare oo ka tirsan Xisbiga Madaxweynaha ee xaruntiisu ahayd Nairobi.

8 – Muuse Ganjab: Waa Ganacsade ku reer ah  Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh, wax Lug ah kuma lahan Urur diimeedka, balse waxa uu dhaqaale ku bixiyay Doorashadii Xasan Sheekh uu kusoo baxay.

9 – Sheekh Nuur Baaruud: Waa muftiga ama sheekh dhankooda ku weyn, waxa uu kamid yahay Culimada go’aanka uu ka go, waana Sheekh u fatwoodo xiliyada Murugeysan oo ay Dam-Jadiid la kulmaan.

Caasimada Online

Xafiiska Nairobi

caasimada@live.com