Xog: Maxaa kala heysta Farmaajo iyo siyaasiyiinta xil doonka ah ee kursiga isku khilaafsan?

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa la soo warinayaa in caqabado kala duwan uu kala kulmaayo Siyaasiyiinta qaar.

Wararku waxa ay sheegayaan in Siyaasiyiinta xil doonka ah kana soo jeeda beelaha wada dhashay ay is falisayaan isla markaana isku diidan yihiin in midkood lagu daro Golaha.

Siyaasiyiinta qaar ayaa Madaxweynaha ka diidan inay isku ogolaadan kursiga, halka qaarna ay Madaxweynaha ku dhaliilayaan inuu garabsiinaayo Siyaasiga kale ee isaga kasoo horjeeda.

Jahwareerka ugu badan ee heysta Madaxweynaha ayaa la sheegay inuu yahay Siyaasiyiinta is khilaafsan hadana kasoo wada jeeda hal beel, kuwaa oo doorbidaaya in Kursigaasi laga dhex saaro isla markaana loo camaamado Siyaasi kale oo aan xil doon aheyn.

Kuraasta ugu badan ee uu Khilaafka ka taagan yahay ayaa kala ah Wasaaradaha Arrimaha Gudaha, Amniga, Dibadda iyo Maaliyada oo dhammaantooda ay feel dheer ugu jiraan Siyaasiyiin uu muran ka dhexeeyo.

Dib u dhacyada caqabada ku ah ku dhawaaqida Golaha Wasiirada ayaa loo sababeynayaa Muranka ka dhexeeya Siyaasiyiinta dooneysa inay kamid noqdaan Golaha ee haddana uu ka dhexeeyo Muranka.

Sidoo kale, Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa la xaqiijiyay in Odayaasha Beelaha isku khilaafsan Kuraasta ay marka hore xaliyaan Khilaafkooda.

Dhinaca kale, waxaa suuragal ah inay dib u dhacdo ku dhawaaqida Golaha Wasiirada inta laga xalinaayo muranka ka taagan ilaa Afar Wasaaradood.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com