Bayern Munich v Real Madrid, Juventus v Barcelona: Isku aadka Wareega Sideed Dhamaadka Champions League oo la sameeyey

Daqiiqado Ka Hor ayaa la soo gabagabeyay xafladii lagu samaynayey isku aadka 8 dhamaadka Champiosn League taas oo ka soctay magaalada Nyon ee dalka Switzerland.

Bayern Munich(GER), Juventus(ITA), Atlético(ESP),  Dortmund(GER), Barcelona,(ESP) Leicester(ENG), Real Madrid(ESP) iyo Monaco(FRA) ayaa ah sideeda kooxood ee isugu soo hadhay warega rubux dhamaadka Champions League mana jiro sharci kala ilaalinaya sideedan kooxood taas oo la micno ah in ay jiri karta El Clasico iyo Derby Germany.

Kooxda Real Madrid ayaa ka hor iman doonta kooxda Bayern Munich sidoo kooxda Barelona ayaa u kulan adag la ciyaari doonta kooxda Juventus taas oo ay 2015-kii ka qaaday koobkaan.

Leicester City ayaa mari doonta imtixaanki ugu weynaa iyada oona nasiibkeedu uu ku aadiyah kooxda Atletico Madrid nasiib darrose xiddigaha koxda dacawooyinka ayaan ka war hayn inay ku dheceen jabhada Semione

Isku Aadka oo dhamaystiran

Atlético (ESP) vs Leicester (ENG).
Dortmund (GER) vs Monaco (FRA).
Bayern (GER) vs Real Madrid (ESP)
Juventus (ITA) vs Barcelona (ESP)