Saldhig ay Iiraan ku leedahay Eritrea oo lageeyay gantaalo lagu weerari doono Berbera iyo xaalada oo kacsan

Asmara (Caasimada Online) – Wakaaladaha wararka ugu afka dheer adduunka ayaa qorayo inay dowladda Iiraan xoojisay saldhigii ay ku laheyd jaziirad ku taal Eratariya oo ay halkaas u kireysan tahay muddo sanado ah.

Dowladda Iran ayaa Saldhig military ku leh Jaziirad ku taal Eratariya waxayna halkaas kireysatay dhawr sano ka hor, sidoo kalana waxaa halkaas sadhig ku leh dowladda Yahuuda.

Haddaba wararkii ugu dambeeyey ee la qoray ayaa sheegayo inay dowladda Iiraan halkaas geysay gantaalo Ballistic casri ah oo la doonayo in lagu weeraro Saldhigga la sheegay inay dowladda Imaaraadka ka furan doonto Magaalada Bebera.

Dowladda Iiraan ayaa dagal culus kula jirto dowlado badan oo ka tirsan Carabta oo ay ugu horreeyaan Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta, waxayna difaaceysaa Xuutiyiinta dalka Yeman ka dagaalamo.

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa qorsheeneyso inay dhawaan saldhig ay ka duqeyso Xuutiyiinta ka furato gudaha garoonka Berbera ee Somaliland taasoo la sheegay inay halis ku noqon doonto jiritaanka Soomaaliya.

Gantaalada ay Iiraan kusoo rakibtay saldhigyada ay ku leedahay Eratariya ayaa lagu soo jeediyey jihada Magaalada Berbera waxaana lasoo sheegayaa inay midaas halis weyn ku noqon doonto Ummadda Soomaaliyeed.

Iiraan ayaa qubaro heer caalami ah geysay Saldhigga kaga kireysan dowladda Eratariya, waxayna cabir saareyn Berbera iyadoo halkaas ku xiray Gantaalo goyn karo masaafo badan sidoo kalana dhibaato xoog leh gaarsiinayo halka ay ku dhacaan.

Aqoonyahanada Soomaalida ayaa shaki ka muujiyey Sababta ay Imaaraadka u daneeneyso inay Saldhig ka sameysato gudaha Soomaaliya iyadoo heli karto dowlado kale oo ka tirsan Africa oo ay ka duqeyn karto Xuutiyiinta.

Falanqeeyayaasha ayaa sheegay inay Imaaraadka ka faa’ideysaneyso maamul la’aanta ka jirtay Soomaaliya muddo badan, ayna u aragtay inay Soomaaliya tahay meesha kaliya oo ay danaheeda ku fushan karto.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com