Xuutiyiinta Yeman oo ku dhawaaqay arrin ay Soomaaliya dhibaato weyn kala kulmi doonto oo ku aadan Berbera

Sanca (Caasimada Online) –Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa dhawaan Heshiis ka gashay Maamulka Somaliland kaasoo u ogolaanayo inay saldhig Militari ka sameysato Berbera si ay halkaas uga weerarto Xuutiyiinta ka dagaalamo dalka Yeman.

Haddaba waxaa arrintaas si aan la fileyn uga hadlay Xuutiyiinta Yeman oo jawaab cad ka bixiyey heshiiska Berbera ee Imaaraadka kula wareegtay garoonka Bebera.

Mas’uul sare oo ka tirsan Xuutiyiinta Yeman oo wareysii siiyey Tv-ga Carabiga ku hadla ee Al-Jazeera ayaa ka dhawaajiyey inay weeraro culus ka geysan doonaan Gudaha Soomaaliya gaar ahaan Magaalada Berbera haddii halkaas loo ogolaado Imaaraadka inay ka sameysato Saldhig ay weeraro uga qaado Xuutiyiinta.

Mas’uulkaan ayaa la waydiiyey noocyada weerarada ay ka geysan karaan Soomaaliya haddii ay Imaaraadka halkaas saldhig ka sameystaan, wuxuuna ku jawaabay inay iyaga heystaan gantaalo waaweyn oo gaari Berbera sidaas ay ku duqeyn doonaan.

Wuxuu sheegay inay mararka qaar Gantaaladooda ku duqeeyaan garoomada diyaaradaha Magaalada Jeddah, ayna yihiin Gantaalo awood u leh inay gaaraan meelo fog fog, wuxuuna tilmaamay inay Gantaaladooda gaari karaan Magaalada Berbera.

Ninkaan u hadlay Xuutiyiinta Yeman ayaa ka dhawaajiyey in Saldhigaas ay halis badan uga imaan karto Soomaaliya, ayna kula talinayaan inay iska diidaan, haddii kalana ay iyaga arki doonaan cawaaqib xumada ka timaado.

Hanjabaadaan ka timaaday Xuutiyiinta Yeman ayaa imaaneyso Xilli Dowladda Iiraan ay iyadana Gantaalada ridada dheer ay geysay Saldhig Militari oo uga kireysan Jaziirad ku taalo dalka Eretariya, waxayna sheegtay inay ku duqeyn doonto Berbera haddii ay halkaas Imaraadka saldhig ka sameystaan.

Soomaaliya ayaa faraha la gashay dagaal cusub oo aysan shaqo ku laheyn, waxaana laga yaabaa inay ka bilaabasto dagaalka Yeman oo Kale haddii ay Imaaraadka Soomaaliya ka duqeyso Xuutiyiinta Yeman.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com