Awood qeybsigii beesha Reer Aw Xasan oo weli dulman iyo hal Jufo oo xilalka qaadatay!

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa weli taagan oo aan meesha ka bixin dulmigii ka taagnaa awood qeybsiga beesha Reer Aw Xasan oo soo bilaabatay xilligii dowladdii Xasan Shiikh Maxamuud markaas oo uu Faarax Shiikh Cabdulqaadir si awood ku dheehan tahay u maamushay hab qeybsiga beesha Reer Aw Xasan oo uu isaga kasoo jeedo.

Beesha rerow xasan ee dagto gobalka hiiraan ayaa waxaay kala yihiin laba qooys waa reer ow Mahdi iyo reer ow cilmi. Waxaayna siyaasada u kala qaaybsadaan si siman .

Tusaale qooyskii qaata xildhibaan Federal wuxuu wareejinaya kursiga wasiirnimo lakiin awood qaaybsigaas waxaa dhumiyay xildhibaan Faarax Sheekh Cabdulqaadir oo si saaxiibtinima ah uga qaatay doowladii Xasan labadii kursi oo ay laheyd beesha reer Aw Xasan.

Wuxuu faarax mar labaad ku guuleeystay kursigii xildhibaanimo ee Beesha Beesha reer ow cilmi oo ah beesha mudan inay hesho kursiga wasiirnimo, ayaa waxaa hada muuqato in Fahad Yaasin oo aay isku beel yihiin Faarax Sheekh Cabdulqaadir kana soo wada jeeda jufada reer ow Mahdi raba inuu siiyo kursiga walaalkiis cabdirashiid Siraaji sida ay sheegayaan xogta ay heshay Caasimadda Online.

Dad badan oo siyaasada falanqeeya ayaa sheegayo inay hor seedi karto khilaaf iyo kala fogaansho soo kala dhaxgasho beesha Reer Ow Xasan oo uu abuurayo fahad yaasin, cadaalad daradaan ayaa la sheegayaa in lagu sameeyay jufada Reer ow Cilmi markii labaad.

Odayaasha dhaqanka beesha reer Ow Xasan oo la soo xariiray caasimadda.net ayaa ku baaqay in  Madaxweynaha iyo Ra’isulwasaaraha wax ka qabtaan cadaalad daradaan ka dhex taagan beesha,  waxayna ka codsadeyn inay ilaaliyaan awood qeybsiga Beesha Reer Ow Xasan oo aysan saaxiibnimo ku bixinin kuraasta beesha.

Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa looga fadhiyaa inuu si siman beelaha ugu qeybiyo golaha wasiirada iyadoo la fiirinayo qaabkii ay beelaha iyo jufooyinka u kala qaateen Xildhibaanada, maadaama nadaamka uu yahay 4.5 aysan macquul aheyn in beel heshay  Xilka XIldhibaanimo haddana loogu daro wasiir.

In beelaha si siman wax loogu qeybiyo waa hadafka koowaad oo uu Ra’isulwasaaraha sheegay inuu sameyn doono, waxaana laga sugayaa sida uu ballanqaadkaas u fuliyo.

Wixii warar ah ee kusoo kordha arrintas beesha reer Aw Xasan iyo sida ay u dhacdo awood qeybsiga wasiirada waan idinla soo socdosiin doonaa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com