Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Xassan Sheekh Maxamuud ayaa la kulmay tiro ka mid ah Xildhibaanadii kasoo horjeeday ansixinta Golaha Wasiirada xukuumaddii dib loola noqday.
Kulanka oo ahaa mid uu albaabada u xirnaa, islamarkaana Saacad iyo bar socday, ayaa waxa ay uga wada hadleen sida culeyska looga dulqaadi lahaa Ra’isul wasaaraha dalka iyo Xubnaha uu usoo xusho Wasiirada, sida ay ilo xog ogaal ah u sheegeen Caasimada Online.
Madaxweynaha ayaa la sheegayaa in Xildhibaanada uu ka codsaday inay muujiyaan tanaasul, hase yeeshee codsigaasi ay ka dhaga adeegen, iyagoona gaashaanka ku dhuftay, sida ay wararka sheegayaan.
Xildhibaanada kullanka ka qeyb galay oo la hadlay Caasimada Online, ayaa sheegay in go’aanka uu yahay Xukuumad tayo leh islamarkaana laga ilaaliyay xulufeysi hadii taasi la waayana Ra’isul wasaare Sharmaarke dib ula laaban doono Xukuumadiisa.
Kulankaani ayaa waxa uu daba socdaa kulan Laba maalin ka hor dhexmaray Madaxweynaha iyo Xildhibaanada kaasi uu Xasan kalsooni ugu raadinaayay Xukuumada balse ay ku gacan seeren.
Xildhibaanada ayaa Madaxweynaha u sheegay inaanu mowqifkoodu waxba iska bedelin, iyagoona si adag uga digay in Golaha Wasiirada lagu soo daro afartii xubnood, ee ay horey kaga diggeen.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

