Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Dowlada Somalia, ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu damacsan yahay inuu muddo ku korarsado xilkiisa dowladda Soomaaliya
Xildhibaan Maxamed Xasan Aadan oo kamid ah BF, ayaa sheegay inay la socdaan damaca Siyaasadeed ee Madaxweynaha Somalia, isagoona ka digay in wakhti kordhin lagu sameeyo dowlada oo ay u harsan tahay wakhti kooban.
Xildhibaan Maxamed Xasan Aadan oo soo hadalqaaday Golaha Wasiirada ee Xukuumada Cumar C/rashiid, ayaa waxa uu ujeedkoodu ku sheegay in wakhti kordhin ay sameysato Dowladdu.
“Ujeedada ay nimankaan isugu koobeen Dowladaan Cumar C/rashiid waxaa weeye in muddo kordhin, ay sameystaan marka la gaaro sanadka 2016-ka. Laakiin waxaas wax soconaayo maaha.”
Waxa uu sheegayaa in cid gaar ah ay qabsatay Garsoorkii dalka, Hay’adihii ammaanka iyo Dhammaan Hay’adaha kale ee ugu muhiimsan Dowladda Federalka Somaliya.
Dhanka kale, Xildhibaanka ayaa ugu baaqay Madaxweyne Xassan iyo Ra’isul wasaare Cumar Cabdirashiid inaysan ku degdegin damaca ah inay kordhistaan Dowlada hadda taagan, haddii ay dhacdana ay qaadi doonaan talaabo lid ku ah.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

