Xog: Maxaa kasoo baxay kulankii beesha Galmaax iyo Xasan Sheekh? + Sawirro

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay Villa Somalia kula kulmay siyaasiyiinta, odayaasha iyo xildhibaanka beesha Galmaax Yoonis oo cabasho ka aheyd habka uu u maareeyey magacaabista guddoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir.

Beesha Galmaax ayaa madaxweynaha horey ugu eedeysay inuu kaga baxay ballaan uu ka qaaday oo aheyd inuu siin doono xilka guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho kaasi oo markii dambe uu u magacaabay Yuusuf Madaale oo kasoo jeeda beesha Daa’uud.

Galmaax Yoonis iyo Daa’uud ayaa labaduba ka wada tirsan beesha Wacbuudhan Abgaal.

Kulankii xalay ka dhacay Villa Somalia ayaa xubno ka qeyb galay waxay Caasimada Online u sheegeen in Xasan Sheekh uu ka garaabay arrintan, islamarkaana uu raalin-gelin buuxda siiyey isaga oo ballan-qaaday inuu si kale u xalin doono.

Xubnaha beesha Galmaax ee kulanka ka qeyb-galay ayaa madaxweynaha u gudbiyey liis xilal ah oo ay doonayaan in madaxweynaha u magacaabo, haddii aanu xilka guddoomiyaha kasoo celin karin Yuusuf Madaale.

Madaxweynaha ayaa la sheegay inuu ballan-qaaday inuu arrintan sixi doono islamarkaana xilal kale ugu xuquuq gudi doono beesha Galmaax, inkasta oo qaar ka mid ah mas’uuliyiinta beesha ay shaki geliyeen sababo la xiriira inuu horey uga baxay ballan-qaadyo kale.

Beesha Galmaax Yoonis ayaa aad uga careysan in Xasan Sheekh oo ay aad u difaaceen uguna dagaalameen markii lagu soo weeraray Miranaayo bishii April 2021 markii uu dhacay dagaalkii looga soo horjeeday muddo kororsiga uu sidan ku sameeyo.

Ma cadda sababta Xasan Sheekh ballan ka baxa u sameeyey, hase yeeshee waxaa la rumeysan yahay inuu cadaadis kaga yimid kooxdiisa UPD iyo ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.

Xasan Sheekh iyo siyaasiyiinta Galmaax ayaa ku ballamay kulan labaad oo lagu dhameeyo xiisadda.