Xog: Maxaa u sabab ah in Farmaajo uu ka qeyliyo safarada badan ee lagu eedeeyay?

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida aan wararkeena hore ku sheegnay Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka hadlay safarada uu dalka uga anbaxay tan iyo markii xilka loo doortay iyo hadal heynta bulshada ee safaradan la xiriira.

Farmaajo waxa u sheegay in shantii safar ee uu galay micno gaar ah xambaarsanaayeen, gaar ahaan waxaa uu farta ku fiiqay isbadalkii dhacay doorashadii bishii February ee sanadkan 2017da oo sida uu hadalka u dhigay soo jiidatay idhaha beesha caalamka.

Madaxweynaha ayaa tan iyo markii la doortay gallay ilaa shan safar kuwaa oo uu ku kala bixiyay dalalka Sacuudiga, Jordan, Imaaraadka, Kenya iyo Turkiga.

C/llahi Nuur Maxamed oo kamid ah dadka sida aadka u falanqeeya Siyaasada Somalia ayaa sheegay in Madaxweynaha Somalia uu xaq u leeyahay inuu galo Safar waliba oo khuseeya arrimaha Somalia, waxa uuna tilmaamay inaanu jirin sharci Madaxweynaha ka reebaya inuu Safro.

C/llahi Nuur, waxa uu tilmaamay inaanu jirin Madaxweyne dalkiisa uga baxaayo safar aan micno laheyn waxa uuna cadeeyay in Safarada Madaxweynaha ay yihiin kuwo xal loogu raadinaayo Somalia, balse loo baahan yahay keliya inay xadid naadaan oo aysan farabadan.

Waxa uu sheegay ka hadalka Madaxweynaha ee Safarada inuu yahay mid uu ugu gogol xaaraayo Safarka la filaayo in maalinta Arbacada ah ku gaaro magaalada Addis Ababa ee Xarunta dalka Ethiopia.

”Sababta uu Madaxweynaha uga hadlay Safaradiisa batay waa mid ay ku jirto Siyaasad waxa uu uga sii gaashaamanayaa Safarka Addis Ababa oo ay aad u hadal hayaan shacabka waayo waxaa Madaxweynaha gaaray hadal heynta shacabka ee Safarkiisa Ethiopia waxa uu kasii afeefanayaa in safarka Addis Ababa uusan ka duwaneyn kuwii hore” ayuu yiri C/llahi Nuur.

C/llahi Nuur, ayaa sheegay in loo baahan yahay in Madaxweynaha Somalia uusan u crab laalaadin Dowladaha kasoo horjeeda Horumarka Somalia sida Ethiopia iyo Kenya.

”Waxaa Madaxweynaha laga doonayaa inuu ka fiirsado safarada uu ku gaarayo dalalka deriska la ah Somalia waayo Ethiopia iyo Kenya waa la garanayaa ujeedka ay u dugaashanayaan Somalia, waxaan ka dooneynaa Madaxweynaha in bedelka Safarada Ethiopia iyo Kenya uu gaaro dalalka kale ee Somalia garabka u ah”

Si kastaba ha ahaatee, C/llahi Nuur ayaa carabka ku adkeeyay in qeyla dhaanta Madaxweynaha ee ku aadan Safaradiisa ay tahay mid lagu difaacaayo Safarka uu ku gaari doono Ethiopia.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET