Sheekh Shaakir: Galmudug, sida dafo hilib cirka la aaday oo kale ayaan dhulka ku sugeynaa

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Ahlu sunna ee gobolada dhexe oo kulan la qaatay qeybaha kala duwan ee bulshada magaalada Dhuusomareeb ayaa faahfaahin ka siiyay shirkii lagu kala tagay ee Muqdisho ka dhacay.

Wuxuu bulshada magaalada Dhuusomareeb la wadaagay dhamaan waxyaabaha rasmiga ah ee qasbay in shirkaasi uu burburo iyo sharuudaha ay iyaga la tageen magaalada Muqdisho.

Sheikh Maxamed Shaakir Cali Xasan, ayaa sheegay in sharuudaha ay la tageen magaalada Muqdisho inay ahaayeen labo sharuudood oo ku adkaatay in dhanka Galmudug ay aqbalaan, sida uu sheegay.

Midda koowaad ayuu ku sheegay inay dalbadeen in labada baarlamaan ee Galmudug iyo Ahlu sunna la isku biiriyaa si doorashada ay kaga wada qeyb galaan, sharuud la’aan balse waa la diiday arintaasi sida uu sheegay.

Waxaana uu yiri “Waxaa loo diiday in labada baarlamaan la isku biiriyo waxay ka baqeen inaan doorashada aniga aan kusoo baxaa ileen waxay dheheen baarlamaanka Ahlu sunna waa hal mowqif”.

Sharuuda labaad ayuu ku sheegay inay aheyd in madaxweynaha ama ra’iisul wasaaraha marka isku dhafka baarlamaan la sameeyaa inay tagaan magaalada Dhuusomareeb ee gobolka Galgaduud lana cadeeyo in heshiis buuxda la gaaro, balse la diiday.

“Wax walbaa oo aan soo jeedinay way ku adkaatay Galmudug, laakiin Galmudug waa sida Dafo hilibkii ay qaadatay cirka la aaday, marka dhulka ay lasoo dagaan ayaan sugeynaa, waana la leenahay”ayuu hadalkiisa ku daray.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET