C/Weli Gaas oo shaaciyay dhaqaalaha ku baxaaya dhismaha garoonka…

Muqdisho (Caasimada Online) – Hogaamiyaha Maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, ayaa markii ugu horeysay ka hadlay Dhismaha Garoonka magaalada Galkacayo.

C/wali Gaas ayaa sheegay in maamulkiisa uu damiina qaadi doono dhismaha Garoonka Galkacayo, waxa uuna sheegay in kalsooni buuxda uu ku qabo shirka dhisi doonta Garoonka Galkacayo.

Waxa uu sheegay in Garoonka Galkacayo uu ka qurxanaan doono Garoomada kale ee dalka, waxa uuna cadeeyay in dhismaha loo adeegsan doono qalab casri ah.

Waxa uu tilmaamay in Dhismaha Garoonka Galkacayo ay ku baxayso 50 milyan oo Dollar, wuxuuna codsaday in lala shaqeeyo shirkadda dhisaysa garoonka ee CCECC.

Waxa uu intaa raaciyay in shirkadda dhisaysa garoonka ee CCECC ay wadato khubaro horay usoo dhisay Garoomo caalami ah, isla markaana ay si weyn ugu qanacsan yihiin howlaha ay CCECC ka qabaneyso Garoonka Galkacayo.

Sidoo kale, waxa uu tilmaamay in Puntland ay diyaar u tahay inay bixiso dhaqaale waliba oo ku baxaaya dhismaha Garoomada, Waddooyinka iyo goobaha bilicda u ah Puntland.

Dhinaca kale, C/wali Gaas ayaa carab dhabay in dhismaha Garoonka Galkacayo uu ku bilaaban doono si degdeg ah isla markaana ay sameyn doonaan guddi la socda dhismaha Garoonka.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET