Guddoomiyaha Ahlu-Sunna oo dowladda Farmaajo kaga digay hal arin

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Guud ee Ahlu sunna Waljamaca ayaa digniin u diray dowladda Soomaaliya, isagoo ka hadlay arimo badan oo ku aadan Saacudiin Bil Xaq iyo arimo kale.

Macalin Maxamuud Sheikh Xasan Faarax oo ka hadlay kulan culumaa’udiinka ay ku yeesheen magaalada Muqdisho ayaa sheegay inay yihiin urur jira oo muddo badan usoo halgamayay xuriyada Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in dowladda Soomaaliya ay kaga digayaan inay culumo u aqoonsato dad aan culumo aheyn isagoo sheegay in Al-saaciduuna bil Xaqi ay yihiin urur Takfiiri ah, sida uu sheegayna ay la dagaalamayaan.

Wuxuu dhinaca kale sheegay iney jiraan culumo markii hore dadka Takfiirin jirtay, kuwaasi oo doonaya in hadda loo aqoonsado Culumo Soomaaliyeed, sida uu hadalka u dhigayna uu kaga digayo dowladda Soomaaliya inay arimahaasi ku dhaqdhaqaaqdo.

Ahlu sunna Waljamaaca ayuu sheegay inay la shaqeynayaan dowladda Soomaaliya balse ay muhiim tahay dhankooda in la aqoonsado awooda ay bulshada Soomaaluyeed ku dhex leeyihiin.

“Waxaa jira dad Dadka Takfiirin jiray oo doonaya in hadda loo aqoonsado Culumo Soomaaliyeed, balse waxaan kaga digayaa dowladda Soomaaliya inay arimahaasi ka fogaado, dowladda waxaan leeyahay ka feejignaada inaad culumo u aqoonsataan dad aanan aheyn”ayuu Yiri Macalin Maxamuud.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET