Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlada Uganda Yuweri Musaveni, ayaa ka hadlay qorshaha soo shaac baxay maalmahaan oo ku aadan iney ciidamadiisa uu kala baxayo dalka Soomaaliya, kadib cabashooyin badan oo soo baxay.
Madaxweynaha Uganda ayaa shaaciyay waxyaabaha ku qasbay iney shaaciyaan ka bixitaanka ciidamadooda ee dalka Soomaaliya, wuxuuna sheegay haddii qaladaadkaasi la saxaa iney kasii mid ahaanayaan howlgalka AMISOM.
Wuxuu sheegay in ciidamada AMISOM ay heystaan qaladaad la xiriira dhanka dhaqaalaha iyo maamulka ayna doonayaan in wax badan laga badalaaa qorshahaasi si ay kaga sii mid ahaadaan howgalka AMISOM.
Ciidamada Uganda ayaa la sheegay in muddo ku dhawad lix bilood la sheegay ineysan qaadan mushaarka ay lahaayeen, waana midda keentay in dowlada Uganda ay shaaciso iney ka baxeyso howlgalka AMISOM ee Soomaaliya.
Howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM oo qeyb ka ah ku dhawaad 22, 000 kuwaasi oo xoojinaya Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa gaabis ku yimid waayihii dambe kadib markii Ururka Midowga Yurub uu jiray %20 dhaqaalihii uu siin jiray AMISOM.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]