Xasan & Faarax oo kullan qarsoodi ah la qaatay xildhibaanno + Qorshahooda

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo  ay maalmahani dambe soo baxaayen war sheegaya in wasiirka  Cadaallada iyo Arimaha Dastuurka Faarax  C/qadir uu wado tilaabooyin wax looga badalaayo qodobo ku qoran Dastuurka oo lid ku ah danahooda  gaarka ah, ayaa waxa uu xalay Wasiirka Villa Somalia kula kulmay xildhibaano taabacsan wax ka badalista qodobada Dastuurka iyo kuso biirinta qodobo taabacsan jiritaanka Madaxweyne Xassan iyo Wasiiradiisa.

Xildhibaanada la kulmay Madaxweynaha iyo Wasiirka ayaa waxa ay kor u dhaafayeen 25 Xildhibaan kuwaasi oo ayidsanaa dalabyada Madax weynaha ee ku aadan Dastuurka .

Sidoo kale, waxa ay wararku sheegayaan in kulanku uu goobjoog ka ahaa Madaxweynaha Dowlada Federaalka Xassan Sheikh waxaana la tilmaamayaa inuu Xildhibaanadaasi kala hadlay Arrimaha Dastuurka iyo hir galinta ilaa iyo afar qodob oo lagu badalaayo qodobo ka hor imaan kara jiritaankiisa.

Lama oga natijada kasoo baxday kulankaasi oo qaatay ku dhawaad Laba  saac, balse warar hoose ayaa waxa ay sheegayaan in Madaxweyne Xassan uu xildhibanadaasi ku qanciyay hir galinta qodobadaasi muhiimka u ah.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

caasimada@live.com