Xog: C/Weli Gaas oo la shiraya shirkad ku xirtay inuu fasax ka soo qaato DFS

Addis-Ababa (Caasimada Online) – Isku dayadii ay dowladda Puntland ku baaraneysay shidaal, ayaa xaalad adag wajahay kaddiib markii maamulkaasi shuruud looga dhiggay inay fasax ka helaan dowladda federaalka Soomaaliya ee fadhiggeedu yahay Muqdisho, Caasimada Onine ayaa ogaatay.

Xubno ka tirsan xafiiska madaxweynaha Puntland ayaa Caasimada Online u sheegay in Cabdi Weli Gaasuu Addis-Ababa u joogo sidii uu caqabaddan cusub u furdaamin lahaa.

Sida ay sheegtay madaxtooyada Puntland, Cabdiweli Cali Gaas ayaa magaalada Addis-Ababa kulan kula leh madaxda shirkada African Oil, kuwaasoo wadashaqeyn dambe oo ayaga iyo Puntland dhexmarta ku xirey shuruud ah qoraal laga helo dowladda Federaalka.

Wasiirka Batroolka dowlada Federaalka Da’uud Bisle ayaa horey u diidey in dowlada Puntland xaq u leedahay heshiis gaar ah oo ay la gasho shirkadaha shidaalka, taasi oo shirkadaha caalamiga ahna ay aqbaleen.

Waxaa wararka ay sheegayaan in Gaas uu la kulmi doono Ra’iisal wasaaraha Dowlada Federaalka Cabdi Weli Sheekh Axmed, oo isna gaaray Addis-Ababa, uuna waydiisto qoraal u fasaxaya in wada-shaqeyn dowladiisa la yeelato shirkadahaan shidaalka.

Lama oga go’aanka ra’iisul wasaare Cabdi Weli oo ka qaadan doono fasaxa ay Puntland ka raadineyso dowladda, inkasta oo la filayo inuu u ogolaado, maadaama uu si aad ah ugu xirran yahay Puntland.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com